4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2018
Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay deegaan loo diyaarinayo dalxiiska

Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dib u dhis lugu sameyn doono degmada Warshiikh ee gobolka Shabeelaha dhexe,halkaas oo loo diyaarin doono deegaan dalxiis.

Wafdigii ugu horreeyay ee dowladda ka socda ayaa deegaanka u tagay  iney qiimeyn iyo baaris ku sameeyaan degmada iyo goobaha ay kaga habboon tahay in lagu dalxiiso si dib u dhis loogu sameeyo.

"Dowladda waxay deegaanka u dooneysa inuu noqdo goob loo dalxiistago oo daqli badan uu ka soo xaroodo." ayuu yiri Agaasimaha Waaxda Dalxiiska ee wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdi Cabdullaahi.

Degmada Warshiikkh oo ku taal xeebta waqooyiga ee caasimadda Muqdisho,waxay horay u ahayd xarun Islaami ah  oo Diinta Islaamka looga iman jiray gobollada dalka iyo qaar ka mid ah dalalka dibadda ,sida uu sheegay guddoomiyihii hore ee degmadaasi, Axmed Xuseen Axmed Shiidka.

Dadka ku nool degmada, ayaa nolashooda waxay ku tiirsan-tahay jallaabashada Kalluunka,Beeraha iyo waliba dhaqashada Xoolaha nool hadana waxaa ku soo kordhay dalxiiska oo dad badan maalmaha fasaxa u dalxiis tagaan si ay u soo qaataan neecowda iyo jawiga qurxoon ee xeebta degmada.

Cabdirisaaq Xuseen Axmed oo ka mid yahay qurba-joogta Soomaaliyeed oo safar dalxiis ku tagay degmada Warshiikh,wuxuu Soomaalida ku nool dalka dibadiisa ku dhiirrigaliyay iney ku soo laabtaan dalkooda kana qeybtaan dib u dhiskiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney ka go’an tahay horumarinta goobaha dalxiiska dalka,islamarkaana ganacsatada Soomaaliyeed ka dalbatay iney maalgashadaan dalkooda hooyo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]