4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2018
Dowladda Indonesia oo caalamka ka codsatay gargaar deg deg ah

Isniin, October, 01, 2018 (HOL)-  Xukuumadda Indonesia ayaa codsatey kaalmo deg deg ah,kaddib markii saddex maalmood ka hor ay ku dhufteen dhulgariir dhibaato baaxad leh  gaystay iyo duufaan ka dambaysay jasiiradda Sulawesi.

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in ay dhinteen 833 ruux,iyadoo shaqaalaha gurmadka degdegga ah ay sii wadaan dadaallada ay ku samato bixinayaan dadka ku hoos xanniban dhisamayaasha burburay ee magaalada Palu.

Dadka mashaakilka ka samato baxay oo diif badan ay hayso ayaa dukaammada ka raadsanaya cunto, biyo iyo shidaal.

Madaxweynaha Indonesia,Joko Widodo oo Axaddii booqday gobolka uu mashaakilku ka dhacay wuxuu amar ku bixiyay in dadka waxyeelada ka soo gaartay musiibadaasi lala gaaro gurmad deg deg ah ,wallow ay jirto dhibaato xagga isgaarsiinta oo goobihii sunaamigu ku dhuftay.

Waxaana la soo sheegayaa in tobanaan ka tirsan hay’adaha gargaarka aan dowliga aheyn ay codsiga madaxweynaha ka jawaabeen.

Dalka Indonesia ee koonfur-bari Aasiya ayaa wuxuu yahay dal u nugul duufaanta iyo dhulgariirka dhaca maaddaamaa dalka oo dhan uu jasiiraddo tira badan oo bad ku hareereysan uu ka kooban yahay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]