4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2018
Wararkii ugu dambeeyay Kolonyo Ciidamo Talyaani ah la socdeen oo lagu qarxiyay Muqdisho


Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Ugu yaraan 4 ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday baabuur milatari oo ay leeyihiin ciidamo Talyaani ah ,xilli ay marayeen agagaarka xarunta wasaaradda Gaashaandhigga ee degmada Dayniile.

Goobjoogayaal  la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in baabuur uu waday qof ismiidaamiye ah uu ku dhacay baabuurka milatari Talyaanig ,khasaare ayaa soo gaadhay baabuurka la bartilmaameedsaday, ilaa haatan ma cadda khasaaraha inta uu le'eg yahay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada qaraxa, waxayna intaa ku dareen inuu bartilmaameedku ahaa saraakiil ka tirsan tababarayaasha Midowga Yurub ee jooga Soomaaliya.

Illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Midowga Yurub iyo may'adaha ammaanka ee dawladda ma jiraan.

Ciidamadda Talyaaniga ee jooga magaalada Muqdisho ayaa qayb ka ah kuwa Midowga Yurub ee Soomaaliya u jooga tababarka ciidamadda Soomaaliya iyo talo-siinta kuwa AMISOM.

Midowga Yurub waa mid ka mid ah ilaha ugu weyn ee maal-galiya ciidamadda nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM, ciidanka oo dowladda gacan ka siiya ammaanka xarumaha muhiimka ah iyo dagaalka al-Shabaab.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]