4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2018
Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Isniin, October, 01, 2018 (HOL)-  Qarax xooggiisa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in qaraxa lala beegsaday kolonyo ciidan ay la socdeen ciidamo Talyaani ah oo marayay meel ku dhow xarunta wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Uuro cirka isku shareertay ayaa laga arkayay goobta uu qaraxa ka dhacay  oo ay goobjoogayaal ku tilmaameen mid "xooggan", ma jirto illaa hadda warbixin ka soo baxday hay'adaha ammaanka oo qaraxa looga hadlay.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxa,balse qof ku dhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay wuxuu sheegay ugu yaraan labo qof oo dhaawac ah inuu arkay.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada qaraxa, war lugu baahiyay warbaahinta afka kooxda ku hadasha ayaa lugu sheegay dagaalyahan kooxda ka tirsan inuu gaari miinaysan ku dhuftay kolonyo gaadiid ah xilli ay  marayeen meel ku dhow xarunta wasaaradda Gaaashaandhigga.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]