4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2018
Ruhakana Rugunda: Ammaanka Soomaaliya wuxuu ku tiirsanyahay AMISOM, yaan lugu degdegin in la dhimo

Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha dalka Uganda,Ruhakana Rugunda ayaa ka digay in la dhimo ciidamadda nabad ilaalinta ah ee AMISOM , ciidanka oo u sheegay in amaanka Soomaaliya uu ku tiirsanyahay.

Rugunda oo khudbad ka horjeediyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay howlgalka AMISOM oo 11-ka sanno  jirsaday inuu leeyahay yidaddiillo fiican marka loo eego halka uu joogay billowgiisii,wuxuu inta ku daray in ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay hadda howlgallo ka fuliyaan meelo aad uga fog caasimadda,halka markii hore ay gudaha magaalada ka dagaallami jireen.

Waxaa uu ka digay in ka fiirsasho la’aan looga baxo Soomaaliya,taas oo uu sheegay in ay al-Shabaab u fududeyn karto in ay si dhaqso ah dib ula wareegaan magaalooyinka muhiimka ah,isagoo sheegay in inta ciidanka AMISOM aan la dhimin marka hore la diyaariyo ciidanka Soomaaliya lana qalabeeyo,iyada oo la hubana lagu wareejiyo ammaanka dalka.

Ra'iisul wasaaraha dalka Uganda , wuxuu hadalkan sheegay iyadoo uu socdo qorshaha lugu doonayo in lugu dhimo ciidanka AMISOM, si amniga guud loogu wareejiyo ciidamadda Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]