4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2018
Kenya oo sheegtay in 10 dagaallame oo ka tirsan Al-Shabaab ku dileen dagaal ka dhacay gobolka xeebta

Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Milateriga Kenya ayaa sheegay ugu yaraan 10 dagaalyahan oo ka tirsan ururka al-Shabaab inay ku dileen dagaal xilli hore oo Isniinta maanta ah ka dhacay deegaanka Taksile oo ka tirsan Lamu.

Afhayeen u hadlay ciidanka difaaca Kenya oo lugu magacaabo,Paul Njuguna  ayaa isagoo faahfaahin ka bixinaya howlgalka ay dagaalyahannada ku dileen wuxuu sheegay inay xubnahaasi ka tirsanaa al-Shabaab laayeen xilli ay howlo gaaf meer ah ka wadeen waqooyiga Lamu.

"Qiyaastii 06:45 subaxnimo ee maanta ayay ciidamadda difaaca ee KDF weerareen deegaanka Taksile oo ka tirsan Lamu, halkaas oo ay ku sugnaayeen malleeshiyaad ka tirsanaa kooxda al-Shabaab." ayuu yiri Njuguna.

Wuxuu inta ku daray inay dagaalyahannada ay ka furteen toddoba qori oo nooca AK47 ah iyo saanad ciidan, waxaa kalo u xaqiijiyay in ciidankoodu uu saddex ka mid ihi dhaawac kassoo gaaray iska hor imaadka dhex maray iyaga iyo dagaalyahannada ka tirsan al-Shabaab.

Kooxda al-Shabaab ayaa weerarro ay dad badan ku dhinteen ka fulisay Kenya ,waxaana inta badan weerarrada ay ku laablaabtan gobolka xeebta.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]