4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2018
Maamulka Hirshabeelle oo ka horyimid qorshaha lugu ballaarinayo caasimadda Muqdisho
Madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare
Madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare

Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Dowlad-gobolleedka Hirshabeelle ayaa cabasho ka dhan ah maamulka gobolka Banaadir u gudbiyay Guddiga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Maamulka wuxuu ka horyimid qorshaha lugu doonayo caasimadda Muqdisho in lugu hoos-keeno labada Wabi ee Afgooye iyo Balcad, arrinta oo qayb ka ah qorshaha ballaarinta.

Afhayeenka dowlad-gobolleedka Hirshabeelle,Daa’uud Xaaji Cirro  ayaa sheegay qorshahan inuu ka hor imaanayo dastuurka Hirshabeelle, si arrinta looga hortagana ay u gudbiyeen Aqalka sare cabashadooda.

Qorshaha lugu ballaarinayo Muqdisho wuxuu soo shaac-baxay maalin ka hor ,markii guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho uu la kulmay guddiga madaxa bannaan ee xuduuddaha iyo Federaalka, iyagoo ka wada-hadlay ballaarinta  Muqdisho.

Cabdiraxmaan Yariisow ayaa kulanka ku soo bandhigay baahida loo qabo in Muqdisho ay sii ballaarato, maadaama xilligan ay ku nool yihiin tiro aad uga badan waqtiyadii hore, waxaa kalo u xaqiijiyay marka in bulshada caasimaddu ay tallo ahaan u soo jeediyeen in la gaarsiiyo labada Wabi ee Balcad iyo Afgooye.

Muran dhinaca xaduudda ah ayaa horey sannadkii 2014 wuxuu u dhexmaray maamulka Koofur-galbeed iyo caasimadda Muqdisho, kaddib markii maamulka gobolka Banaadir uu burburiyay tabeelo laga taagay agagaarka deegaanka Jaziira oo muujinayay inay ka tirsan tahay maamulka Koofur-galbeed.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]