4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2018
Ganacsade dhallinyaro ah oo lugu dilay Muqdisho

Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Dablay hubaysan ayaa toogasho ku dilay nin dhallinyaro ah oo ka mid ahaa ganacsatada degmada Xamar weyne, dilkan ayaa ka dhacay habeenkii Axadda suuqa Xamar weyne,sida ay xaqiijiyeen maamulka degmada.

Wiilka dhallinyarada ah ee  la toogtay ayaa magaciisa  lagu sheegay , Ayuub Axmed Daahir oo ka mid ahaa ganacsatada Suuqa Xamar Weyne,dilka ayaa yimid kaddib markii uu ku soo baxay kooxo tuugo ah oo gabar yar ka dhacayay taleefonka gacanta, isagoo isku dayay inuu is-hortaago, hase ahaatee mid ka mid ah kooxihii tuugada oo bastoolad watay uu xabad ku dhuftay.

Kooxda dilka geysatay oo aan wali gacanta lugu soo dhigin ayaa la sheegay markiiba inay ku baxsadeen  mooto bajaaj ay wateen.

Maamulka degmada Xamar weyne  ayaa ka dalbaday dowladda ciidamo dheerad ah oo suga amniga,markii degmada ay ku soo bateen kooxo dhac u geysta shacabka,sida u sheegay guddoomiye kuxigeenka dhanka Arrimaha Bulshada degmada Xamar weyne .

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]