4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2018
Soomaaliland oo shuruud ku xirtay wadahadal ay dowladda kula gasho Muqdisho
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland, Sacad Cali Shire
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland, Sacad Cali Shire

Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Soomaaliland ayaa shuruud ku xirtay wada hadallo ka dhaca magaalooyinka Hargaysa iyo Muqdisho oo ay yeeshaan mas'uuliyiinta dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

"Waxaa ka horreeysa in wada-hadallada ay ka dhacaan Muqdisho ama Hargeysa , in la is ictiraafo oo Soomaaliland la aqoonsado." ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland, Sacad Cali Shire oo la hadlay BBC-da.

"Wadahadalada inta laga gaarayo Soomaaliland in la aqoonsado waxaa lugu wada hadlayaa meelo kale oo markhaatiyaal leh ." ayuu ku daray wasiir Sacad.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland , waxaa kalo uu sheegay  in wadahadalka labada dhinac oo bilowday sanadkii 2012-kii uu iminka hakad ku jiro, hakad kaansna ay keentay cabashadii dawladda Federaalka ahi ay ka muujisay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee u dhexeeyay Soomaaliland, Itoobiya iyo sharikadda DP World ee ku aaddanaa dekedda Berbera, balse wuxuu sheegay in taas macneheedu aanay ahayn in aanay diyaar u ahayn in wadahadalka dib loo billaabo.

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Soomaaliland oo si Iskeed ah madax banaani ugu dhawaaqday ayaa laga soo billaabo sanadkii 2012-kii ku shiray dalalka dibadda ah ilaa siddeed jeer oo kala duwan, balse aanay kasoo bixin heshiisyo meel mar ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]