4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2018
Wariye Tooxow oo dib u helay xoriyaddiisa

Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Wariye Maxamed Cabdi Weli Tooxow oo muddo siddeed maalin ah ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ayaa hadda dib xoriyaddiisa u helay,sida ay baahisay warbaahinta uu ka tirsanaa ee Kulmiye.

Tooxow ayaa shalay maxkamad ku xukuntay lix bilood ah oo xarig ah,kaddib markii lugu eedeyay inuu baahiyay warar been abuur ah,balse dadaallo lugu raadinayo inuu suxufigan dib xoriyadiisa u helo ayaa guuleystay habeenkii Axadda.

Ururrada warbaahinta iyo hay'adaha kale ee xaquuqda aadanaha ayaa cambaareeyay xukunka maxkamadda oo ay sidoo kale ka soo horjeesatay wasaaradda cadaaladda Galmudug.

"Tooxow wuxuu u mahadceliyay dadkii ka qaybqaatay soo deyntiisa iyo bahda warbaahinta." ayuu lugu yiri war lugu baahiyay bogga raadiyaha Kulmiye ee u wariyaha uga soo warrami jirey magaalada Dhuusamareeb.

Wariyayaasha ka howlgalla Soomaaliya ayaa la kulma dhibaatooyin isugu  jira dil, xarig iyo handadaad,taas oo dalka ka dhigtay mid ka mid ah goobaha ugu qatarta badan ee u wariye ka howlgallo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]