4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2018
Ciidamada dowladda oo howlgal ku dilay dagalamayaal ka tirsan Al-shabaab

 

Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay howlgalo saacadihii ugu danbeeyay ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka iyaga oo sheegay in ay dileen Shan ruux oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in  Al-shabaab ay ka xoreeyeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsanaa Jubbooyinka, gaar ahaan howlgalka xooggiisa ayaa ka dhacay deegaanno qiyaastii 70km u jira magaalada Kismaayo.

‘’Ciidamadee-nu waxaa ay hormar ballaaran ka sameynayaa howlgalka ka socda gobolka, waxaan dilnay shan ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab kuwa kalana waa dhaawacnay, dhinaceenna labo askari ayaa nooga dhaawacmay howlgalka ayu yiri’’ Yuusuf Xusseen Cismaan oo u hadlay ciidamada.

Deegaannada ay ciidamadu gaareen waxaa ka mid ah Bangini, Mana-mufo iyo Koban oo ku yaala Jamaame, kana mid ahaa deegaannada ugu muhiisan oo ay Al-shabaab ka maamulayeen gobolka Jubbada Hoose.

Ilaa iya hadda Al-shabaab wax war ah kama aysan soo saarin howlgaladan ka socda gobollada Jubbooyinka oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]