4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 9 , 2018
Ku dhawaad 20 ruux oo ku dhimatay Qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Labo Qarax oo is xig xigay ayaa dilay ku dhawaad 20 ruux magaalada Muqdisho, gaar ahaan hotelka Saxafi oo ka soo horjeeda xarunta Danbi- barista CIDA-da.

Wax ka yar 20 daqiiqo kaddib sidoo kale isla goobta waxaa ka dhacay Qaraxii saddexaad sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

‘’Dadka dhintay waxey u badnaayeen dad rayid ah oo la socday gaadiidka dadweynaha oo markaa waddada marayay, ‘’ sidaa waxaa yiri Ali Nur oo u hadlay Booliiska Soomaaliya.

Wariyayaal tagay goobta ayaa sheegay in ay arkeen meydadka ilaa 20 ruux, la socday gaadiid kala duwan oo goobta marayay, sidoo kale waxaa jiray dhaawacyo ay qaadeen shaqaalaha gargaarka deg dega ah.

Sarkaal u hadlay Booliiska ayaa sheegay in bartilmaameedka Qaraxan uu ahaa hotelka Saxafi oo ka soo horjeeda xarunta Dabi –baarita.

Hotelka Saxafi ayaa wax badan ka fogeyn Isgoyska Zoobe oo 14kii bishii October ee sanadkii hore 2017da uu ka dhacay Qarax galaaftay nolasha dad ka badan 600 oo ruux.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]