4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 9 , 2018
Qarax-yo is xig xigay oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Qaraxyo waaweyn iyo rasaas is xig xigta ayaa laga maqlay magaaalada Muqdisho iyadoo qaraxa ugu weyn uu ka dhacay dhismaha hotelka Saxafi oo ka soo horjeeda xarunta danbi-baarista CID-da ee KM4 magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaad hubeysan aya la sheegay in ay isku dayeen in ay gudaha u gallaan hoteelka, hasse ahaatee waxaa toogtay ayaa la yiri oo ka hortagay ciidamada dowladda.

Abdisalan Nur Diiriye oo ka mid ah wariyayaasha Hiiraan Online oo goobta tagay ayaa sheegay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba  leh, laakiin ilaa iyo hadda aan tiradooda la sheegin.

Bartilmaameedka qaraxan marka aad eegto wuxuu ahaa hoteelka oo ah mid siweyn amaankiisa loo ilaaliyo islamarkaana degan yihiin mas'uuliyiin ka tirsan dowladda iyo dad kale oo bulshada caan ka ah.

Gadiidka gurmadka deg dega ayaa markiiba gaaray goobta ay wax ka dhaceen kuwaa oo halkaa ka qaaday dadka ay wax yeelladu soo gaartay

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]