11/17/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 9 , 2018
Sawirro : Ethiopian Airlines oo dulimaad toos ah ka bilaawday magaalada Muqdisho



Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Dayaaradda Ethiopian Airlines oo maanta Jimco ah duullimeedkeedii ugu horeysay ka bilaawday muddo ka badan 40 sano kaddib magaalada Muqdisho ayaa waxaa la socday ilaa 50 qof oo rakaab ah.

Dayaaraddan oo nooceedu ahaa Boeign 737 ayaa la sheegay in dullimaadkeedii Addis Ababa- Muqdisho ku sameysay wax ka yar laba saacadood, waxaana kabtanka diyaarada ama duuliyuhu aheyd qof dumar.

Qunsulka koowaad ee safaarada Soomaaliya ee Addis Ababa Cabdullahi Maxamed Warfaa oo ka mid ah rakaabkii la socday diyaarada ayaa yiri Ganacsiyada labada dal ayuu duullimaadkan sahlayaa, waxaana mar dhow bilaaban doona duullimaadyada qaada xamuulka, waana guul u soo hoyatay ganacsatada Soomaaliyeed"

Munaasabad kooban oo lagu soo dhaweynayay diyaaradaha oo ka dhacday garoonka Aadan Cadde waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo uu ka mid ahaa Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Salaad Oomaar.

Wax yaabaha xiisaha leh waxaa ka mid ahaa in xitaa gudaha diyaaradaha intii ay hawada ku soo jirtay lagu dhigay xaflad kooban oo loogu dabaal-dagayay bilowga dullimaadkan u dhaxeeya labada magaalo.

Waa diyaaradihii ugu weyneyd ee heer caalami ah oo soo caga-dhigata Garoonka Aadan Cadde marka laga soo tago Turkish horay dullimaad toos ah uga bilaawday Muqdisho

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]







Click here
11/9/2018 11:59 AM EST
Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Labo Qarax oo is xig xigay ayaa dilay ku dhawaad 20 ruux magaalada Muqdisho, gaar ahaan hotelka Saxafi oo ka soo horjeeda xarunta Danbi- barista CIDA-da.

11/9/2018 8:52 AM EST
Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Qaraxyo waaweyn iyo rasaas is xig xigta ayaa laga maqlay magaaalada Muqdisho iyadoo qaraxa ugu weyn uu ka dhacay dhismaha hotelka Saxafi oo ka soo horjeeda xarunta danbi-baarista CID-da ee KM4 magaalada Muqdisho.

11/9/2018 6:45 AM EST
Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Saraakiisha Booliiska dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay ka heleen xabaalo wadareed ay ku aasan yihiin illaa labo boqol oo ruux meel ku dhow xadka Soomaalida Ethiopia iyo Oromia.

11/9/2018 3:13 AM EST
Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha dalka Eritrea ,Isaias Afwerki ayaa goor dhow gaaray magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar.

11/9/2018 2:51 AM EST
Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Shacabka iyo Maamulka Degmada Dayniile ku dhiirigeliyey dadaalladooda ku aaddan Nabadda iyo Is-dhexgalka.

11/9/2018 2:46 AM EST
Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya .Cabdulahi Goodax Barre ayaa khamiistii shalay xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay madax ka tirsan UNICEF.

11/9/2018 1:33 AM EST
Jimco, November, 09, 2018 (HOL)–Dowladda Turkiga oo haatan tababar iyo qalabeyn ku sameysa ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ballan qaaday dib-u-dhiska, tababarka, tayeynta iyo qalabaynta Ciidamada Badda si Dowladdu ay awood buuxda ugu yeelato difaaca xeebaha dalka oo idil, loogana hor-tago burcad badeeda iyo kalluumeysiga sharci darrada ah.