4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 9 , 2018
Farmaajo iyo Afwerki oo gaaray Itoobiya

Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha dalka Eritrea ,Isaias Afwerki ayaa goor dhow gaaray magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar.

Markii ay gaareen garoonka diyaaradaha magaalada Gondar , waxaa soo dhaweeyay ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed iyo mas'uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya.

Saddexda hoggaamiye ayaa qaadan doona shir saddex-geesood ah oo looga golleeyahay  natiijooyinkii kasoo baxay heshiiska shirkii is-dhex galka dhaqaalaha ee ay waddamada gobolka ku yeesheen magaalada Asmara ee xarunta dalka Eretrea , bishii September.



Waxaa sidoo kale la filayaa inay booqdaan mashaariicda horumarineed ee Gondor iyo Baxar-daar.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Onilne
[email protected]