3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 9 , 2018
Duqa Muqdisho oo Bulshada Dayniile ku boggaadiyey dadaalladooda Nabadda iyo Is-dhexgalka

Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Shacabka iyo Maamulka Degmada Dayniile ku dhiirigeliyey dadaalladooda ku aaddan Nabadda iyo Is-dhexgalka.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in Amniga Caasimadda ee soo hagaagaya uu ku yimid dadaalka iyo naf-huridda Ciidanka Amniga iyo garab-istaagga shacabka, isagoo ugu baaqay qeybaha bulshadu in ay sii wadaan dadaalkooda si looga guuleysto cadowga mar walba u taagan dhibaateynta ummadda Soomaaliyeed.


Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb-galayay isku-imaad lagu taageerayay barnaamijka Is-xilqaan iyo horumarrada dhinacyada Amniga iyo Dariseynta, ayaa ugu baaqay bulshada Dayniile in ay gacmahooda ku dhistaan degmadooda, maamulkiisuna uu garab taagan yahay.

“Shacabka Dayniile waa in ay u istaagaan horumarinta degmadooda, ma jiro qof kale oo inta bannaanka idiinka yimaada adeegga iyo horumarkaa u baahan tihiin idiin keenaya, waa idinka cidda laga sugayo wax walba oo Dayniile u baahan tahay”.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Taliyaha Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xildhibaanno, Guddoomiye ku-xigeennada Gobolka, qaar kamid ah maamullada Degmooyinka, Fannaaniin iyo qeybaha bulshada ee Degmada Dayniile.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/9/2018 11:59 AM EST
Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Labo Qarax oo is xig xigay ayaa dilay ku dhawaad 20 ruux magaalada Muqdisho, gaar ahaan hotelka Saxafi oo ka soo horjeeda xarunta Danbi- barista CIDA-da.

11/9/2018 8:52 AM EST
Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Qaraxyo waaweyn iyo rasaas is xig xigta ayaa laga maqlay magaaalada Muqdisho iyadoo qaraxa ugu weyn uu ka dhacay dhismaha hotelka Saxafi oo ka soo horjeeda xarunta danbi-baarista CID-da ee KM4 magaalada Muqdisho.

11/9/2018 6:57 AM EST
Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Dayaaradda Ethiopian Airlines oo maanta Jimco ah duullimeedkeedii ugu horeysay ka bilaawday muddo ka badan 40 sano kaddib magaalada Muqdisho ayaa waxaa la socday ilaa 50 qof oo rakaab ah.

11/9/2018 6:45 AM EST
Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Saraakiisha Booliiska dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay ka heleen xabaalo wadareed ay ku aasan yihiin illaa labo boqol oo ruux meel ku dhow xadka Soomaalida Ethiopia iyo Oromia.

11/9/2018 3:13 AM EST
Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha dalka Eritrea ,Isaias Afwerki ayaa goor dhow gaaray magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar.

11/9/2018 2:46 AM EST
Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya .Cabdulahi Goodax Barre ayaa khamiistii shalay xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay madax ka tirsan UNICEF.

11/9/2018 1:33 AM EST
Jimco, November, 09, 2018 (HOL)–Dowladda Turkiga oo haatan tababar iyo qalabeyn ku sameysa ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ballan qaaday dib-u-dhiska, tababarka, tayeynta iyo qalabaynta Ciidamada Badda si Dowladdu ay awood buuxda ugu yeelato difaaca xeebaha dalka oo idil, loogana hor-tago burcad badeeda iyo kalluumeysiga sharci darrada ah.