Khamiis, November, 08, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa
ka tacsiyeeyay Qarax miino oo magaalada Muqdisho maanta lagu dilay xildhibaan
ka tirsanaa mudanayaasha baarlamaanka Hirshabeelle oo lagu magacaabi jiray Cabdiweli
Maxamed Ibraahim.
“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Aad baan
uga xumahay dilka kooxaha nabad-diidka ay u geysteen xildhibaan Cabdiweli
Maxamed Ibraahim oo shahiiday isagoo hawl qaran gudanaya, dilalkan marnaba
nagama hor istaagi doonaan inaan horey u sii dhaqaaqno, waxaana hubaa Ilaahay
idankii in kooxahan nabadda ka soo horjeeda dalka laga ciribtiri doono
dhowaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle.
Waxaa uu marxuumka Alle uga baryay inuu
naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir
iyo iimaan ka siiyo.
Allaha u Naxariistee Xildhibaan Cabdiweli Maxamed
Ibraahim ayaa ka mid ahaa Xildhibaannada Lagu aas aasay Hirshabelle isagoo door
muuqda ku lahaa dhisida iyo horumarinta dowladda Hirshabeelle,ayaa lagu yiri
war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada maamulka Hir-Shabeelle.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]