4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 8 , 2018
Xildhibaan ka tirsan Hirshabeelle oo Qarax lagu dilay

 

Khamiis, November, 08, 2018 (HOL)–Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Hirshabeelle oo lagu magacaabi jiray Cabdiweli Maxamed Ibraahin ayaa goor dhaw lagu dilay Qarax gaarigiisa loogu soo xiray magaalada Muqdisho.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya xildhibaanka uu la geeriyooday darwalkii gaariga ku waday.

Waa xildhibaankii Afaraad ee Qarax ama weerar lagu qaaday, iyadoo inta badan xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ku maqan yihiin fasax.

Ilaa iyo hadda ma jirto faah faahintaa dhaafsiisan oo la xiriirta dhimashada xildhibaanka iyo qaraxa lagu weeraray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]