11/15/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 8 , 2018
La taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya oo u digay xafiiska Qaramada Midoobey


 

Khamiis, November, 08, 2018 (HOL) -Madaxtooyada Soomaaaliya ayaa markii ugu horeysay uga digtay xafiiska Qaramada Midoobey Soomaaliya in uu soo fara-galiyo siyaasada arrimaha gudaha.

La taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali ayaa si lama filaan  bartiisa Twitter-ka ugu soo qorey digniin culus oo ku socoto xafiiska  Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho. 

Qoraalka Cabdi Saciid ku soo qoray bartiisa Twitterka ayaa jawaab u ahaa war saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Niccholas Haysom oo looga hadlay arrimaha doorashooyada Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Qoraalka la taliyaha ayaa u dhigg-naa sida “Ha soo faragelinina arrimaha gudaha ee Soomaaliya, dabeecadan ma soo dhoweyneyno”ayuu yiri Cabdi Saciid.

 

Xafiiska Qaramada Midoobey Soomaaliya ayaa ku baaqay in doorashada guud ahaan maamul gobolleedyada, gaar ahaan Koonfur Galbeed ay u dhacdo si daah furan oo xalaal ah.

Dowladda Federaalka ayaa horay loogu eedeeyay inay faragelin ku heyso  doorashada Koofur Galbeed, iyadoo la sheegay inay taageereyso  Musharaxiin.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa jiray socdaal ergeyga gaarka ah ee xafiiska Qaramada Midoobey Sioomaaliya uu u kala bixinayay xarumaha dowlad gobolleedyada dalka, isaga oo kulamo kala duwan la qaatay hoggaamiyayaasha maamul gobolleedyada oo ay ka wada hadleen xaalada Soomaaliya, khilaafka jira iyo arrimaha doorashada. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 

 

 

 







Click here
11/8/2018 12:42 PM EST
Khamiis, November, 08, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay Qarax miino oo magaalada Muqdisho maanta lagu dilay xildhibaan ka tirsanaa mudanayaasha baarlamaanka Hirshabeelle oo lagu magacaabi jiray Cabdiweli Maxamed Ibraahim.

11/8/2018 11:50 AM EST
Khamiis, November, 08, 2018 (HOL)–Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Khaddar Xuseen Cabdi ayaa ku dhaliilay wax ka qabasho la’aanta dagaal beeloodyada soo noqnoqda oo uu ku tilmaamay masiibo qaran.

11/8/2018 9:38 AM EST
Khamiis, November, 08, 2018 (HOL)–Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Hirshabeelle oo lagu magacaabi jiray Cabdiweli Maxamed Ibraahin ayaa goor dhaw lagu dilay Qarax gaarigiisa loogu soo xiray magaalada Muqdisho.

11/8/2018 5:57 AM EST
Khamiis, November, 08, 2018 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya ay tixgaliso wixii lagu heshiiyay oo ah dastuurka wali KMG ah.

11/8/2018 3:13 AM EST
Khamiis, November, 08, 2018 (HOL) -Gole ay ku mideysan yihiin musharixiinta madaxweyne ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa dalbaday in dib loo dhiggo waqtiga doorashada oo lagu ballamay markii hore 17ka bishan.

11/8/2018 12:55 AM EST
Khamiis, November, 08, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula kulmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

11/8/2018 12:38 AM EST
Khamiis, November, 08, 2018 (HOL)– Shariif Xassan Sheekh Aadan oo galinkii danbe ee maalintii shalay uga dhawaaqay magaalada Baydhabo in uu iska casilay xilkii madaxweynaha ayaa ka hadlay sababta uu go’aankan u qaatay.