4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 8 , 2018
Axmed Madoobe : Wixii lagu heshiiyay haddii ay socon waayaan Nin nin ka adkaan karaa ma jiro

 

Khamiis, November, 08, 2018 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya ay tixgaliso wixii lagu heshiiyay oo ah dastuurka wali KMG ah.

''Annagu ma nihin dowladdo Soomaaliyeed, ee waxaannahay dowlad gobolleed-yo, nidaam federaal ah ku yimid oo Buug yar oo Buluug ah lagu soo qoray oo wadanka la yiri sidaa ha u dhaqmo oo dan la mooday, ma in aan kursiga dowladda federaalka heysano, ma nihin in aannahay madaxweynayaal ka sareeya madaxweynaha Soomaaliya, waxaan rabnaa in Buuggii lagu heshiiyay lagu wada dhaqmo, haddii ay taas ay socon weydo waxaan leenahay Nin nin ka adag ma jiro'' ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa intaa ku daray in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay ogaato wixii dalka laga soo maray sida uu hadalka u dhiggay, isaga oo intaa ku daray in dowladda ay ka shaqeyso mas'uuliyiintii loo idmaday iyo adeega uu shacabka ka sugayo.

''Ma'aha in awood kaliya la sheegto, waa in mas'uuliyada la qaaday loo guto sida ay tahay shacabkana loo adeego, waan laga shaqeeyo caafimaadka, Amniga iyo hormarinta dalka iyo dadka, waa in taa la garan karo oo mas'uuliyadu noqon oo kaliya Kursiga lagu fadhiyo'' ayuu hadalkiisa sii raacayay guddoomiyaha.

 Hadalka Axmed Madoobe ayaa imanaya xili dowlad gobolleedyada dalka ku soo fool leeyihiin doorashada heer madaxweyne, dhinaca kalana maalintii shalay uu is casilaadiisa ku dhawaaqay Shariif Xassan Sheekh Aadan oo sidoo kale ku dhawaaqay in uu ka haran tartankii doorasho iyo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Jubbaland ayaa horay sidoo kale u sheegtay in aysan aqbali doonin faragalin dhinaca kale uga timaada dowladda Soomaaliya marka la gaaro doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland,

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]