3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 8 , 2018
Musharixiinta madaxweyne ee Koonfur Galbeed oo dalbaday in doorashada dib loo dhiggo

 

Khamiis, November, 08, 2018 (HOL) -Gole ay ku mideysan yihiin musharixiinta madaxweyne ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa dalbaday in dib loo dhiggo waqtiga doorashada oo lagu ballamay markii hore 17ka bishan.

Dhinaca kale musharixiinta ayaa soo dhaweeyay tallaabadii uu xilka uga digay madaxweynihii hore ee maamulka Shariif Xassan Sheekh Aadan oo xilka iska casilay galinkii danbe ee maalintii shalay.

Qoraal ay wada jir u soo saareen musharixiintan ayaa sidoo kale lagu dalbaday in la soo dhameystiro xubnihii iska  casilay Guddiga doorashada, xubno cusubna la horgeeyo baarlamaanka, si  loo ansixiyo.

Musharixiinta baaqan ku midoobay ayaa sidoo kale dalbada in  Beesha Caalamka ay ku garab gasho sidii ay doorashada u noqon laheyd mid daah furnaan ah oo si xalaal ah u dhacday.

Akhriso Qoraalka :

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 













Click here
11/8/2018 12:42 PM EST
Khamiis, November, 08, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay Qarax miino oo magaalada Muqdisho maanta lagu dilay xildhibaan ka tirsanaa mudanayaasha baarlamaanka Hirshabeelle oo lagu magacaabi jiray Cabdiweli Maxamed Ibraahim.

11/8/2018 11:50 AM EST
Khamiis, November, 08, 2018 (HOL)–Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Khaddar Xuseen Cabdi ayaa ku dhaliilay wax ka qabasho la’aanta dagaal beeloodyada soo noqnoqda oo uu ku tilmaamay masiibo qaran.

11/8/2018 9:38 AM EST
Khamiis, November, 08, 2018 (HOL)–Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Hirshabeelle oo lagu magacaabi jiray Cabdiweli Maxamed Ibraahin ayaa goor dhaw lagu dilay Qarax gaarigiisa loogu soo xiray magaalada Muqdisho.

11/8/2018 6:07 AM EST
Khamiis, November, 08, 2018 (HOL) -Madaxtooyada Soomaaaliya ayaa markii ugu horeysay uga digtay xafiiska Qaramada Midoobey Soomaaliya in uu soo fara-galiyo siyaasada arrimaha gudaha.

11/8/2018 5:57 AM EST
Khamiis, November, 08, 2018 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya ay tixgaliso wixii lagu heshiiyay oo ah dastuurka wali KMG ah.

11/8/2018 12:55 AM EST
Khamiis, November, 08, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula kulmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

11/8/2018 12:38 AM EST
Khamiis, November, 08, 2018 (HOL)– Shariif Xassan Sheekh Aadan oo galinkii danbe ee maalintii shalay uga dhawaaqay magaalada Baydhabo in uu iska casilay xilkii madaxweynaha ayaa ka hadlay sababta uu go’aankan u qaatay.