4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 8 , 2018
Shariif Xassan : Xildhibaannadii Koonfur Galbeed markii ay ogolaadeen in Muqdisho lagu tashkiiliyo ayaan ogolaaday in aan is casilo

 

Khamiis, November, 08, 2018 (HOL)– Shariif Xassan Sheekh Aadan oo galinkii danbe ee maalintii shalay uga dhawaaqay magaalada Baydhabo in uu iska casilay xilkii madaxweynaha ayaa ka hadlay sababta uu go’aankan u qaatay.

‘’Xildhibaannadii Koonfur Galbeed ee aan sida wanaagsan u soo wada shaqeynay markii ay ogolaadeen Muqdisho looga yeero Muqdisho lagu tashkiiliyo ayaan Anniggana ogolaaday in iska casilo xilkii madaxweynaha kana baxo doorashada’’ ayuu yiri Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Dowladda ayuu sheegay in ay garan weyday xitaan in magaalada Baydhabo ay ka dhax- sameyso ololaheeda doorasho, waxaana uu wax laga xumaado uu ku tilmaamay in xildhibaannada oo dhan leysugu geeyo magaalada Muqdisho.

‘’ Haddii ay xildhibaannada iyaga oo jooga Baydhabo i-diidi-lahaayeen Santuuqa doorashada ayaan ku kala bixi laheyn, laakiin iyaga aan ogeyn sabab loogu yeeray iyo cidda u yeertay markii ay Muqdisho isugu tageen ayaan goostay in aan go’aankan qaato, dowladda Soomaaliya-na waxaan leeyahay dadka haloo dhaxeeyo’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay Shariif Xassan.

Shariif Xassan oo sanadihii ugu danbeeyay siweyn uga dhax muuqda siyaasada Soomaaliya ayaa markan u muuqda in uu ka baxay nidaamka Koonfur Galbeed, laakiin dhinaca kale dadka siyaasada falan-qeeya ayaa qaba in uusan sidaa siyaasada uga bixin, lagana yaabo in uu dib ugu laabto Kursiggiisii hore ee Golaha Shacabka.

Ku-simaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhu-naa Maye ayaa hadda laga sugayaa in uu dib u soo magacaabo guddi doorasho oo shaacin doona jadwalka iyo waqtiga ay dhaceyso doorashada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]