11/13/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 7 , 2018
Guusha xisbiga dimuqraaddiga oo dhabar jab ku noqotay Donald Trump


Ilhaan Cumar oo hadlaysa ka dib guushii ay ka gaartay tartanka aqalka Koongareeska
Ilhaan Cumar oo hadlaysa ka dib guushii ay ka gaartay tartanka aqalka Koongareeska


Arbaco, November, 07, 2018 (HOL) – Xisbiga dimuqraaddiga Mareykanka ayaa la wareegay aqlabiyadda aqalka wakiillada ee loogu tartamay doorashadii xilliga dhexe, taasoo dhabar jab ku noqonaysa madaxweyne Donald Trump.

La wareegista maamulka aqalka hoose ee Koongareeska oo noqotay markii ugu horreysay muddo 8 sano ah waxay xisbiga Dimuqraaddiga u sahleysaa iney fashiliyaan qorsheyaasha madaxweynaha.

Hase ahaatee xisbiga Mr Trump ayaa la filayaa iney xajistaan awoodda ay ku leeyihiin aqalka odayaasha ee Senete-ka.

Doorashadii dhacday shalay oo Talaado ahayd ayaa loo arkay mid afti u ah awoodda maamul ee madaxweynaha, inkastoo uusan doorasho u taagneyn tan iyo sannadka 2020-ka.
Alexandria Ocasio-Cortez (dhexda) waa gabadha ugu da'da yar ee Koongareeska gashay
Alexandria Ocasio-Cortez (dhexda) waa gabadha ugu da'da yar ee Koongareeska gashay

Natiijada doorashada ayaa xaqiijisay guul taariikhi ah oo ay doorashada xilliga dhexe ka soo hooyeen xisbiga aan heynin maamulka Aqalka Cad.

Hogaamiyaha aqalka ee xisbiga Dimuqraaddiga Nancy Pelosi, oo lagu wado iney noqoto afhayeen, xilkaasna heysay tan iyo sannadkii 2007-dii, ayaa iyadoo taageerayaasha kula damaashaadeysa magaalada Washington waxay tiri "Waad mahadsantihiin, wuxuu waa cusub u baryayaa Mareykanka".

Madaxweyne Trump ayaa doorashada diiradda ku saaray aqalka Senete-ka, wuxuuna isku amaanay dadaalka uu sameeyay.

Muxuu yahay tartanka ka socda aqalka hoose?

Xisbiga Dimuqraaddiga ayaa ka faa'iideystay hadallada qallafsan ee uu Trump uga soo horjeeday dadka soo galootiga ah, waxayna guul ka gaareen doorashadii ugu horreysay ee ka dhacday guud ahaan dalka wixii ka dambeeyay marka uu madaxweyne Trump xilka qabtay 2 sano ka hor.

Dimuqraaddigu waxay aqlabiyadda aqalka la wareegeen markii ay heleen wax ka badan 23-kii cod ee ay doonayeen si ay ula wareegaan maamulka aqalka hoose ee Koongareeska.

Shacabka Mareykanka ayaa u codeeyay dhammaan kuraasta aqalkaasi oo ay tiradooda gaareyso 435.
Nancy Pelosi oo Waxay mar kale hogaamin doontaa aqalka Koongareeska
Nancy Pelosi oo Waxay mar kale hogaamin doontaa aqalka Koongareeska

Hadda waxay dimuqraaddigu billaabi karaan baaritaanno ku aaddan sida uu maamulka Trump u maareeyo arrimaha ganacsiga, laga billaabo canshuur celinta ilaa danihiisa ka hor imaanaya howlaha ganacsi ee qaranka.

Waxay sidoo kale awood dheeraad ah u heli karaan iney is hor taagaan qorsheyaashiisa dhinaca sharciga, oo uu ka mid yahay ballan qaadkiisa ku aaddan in darbi laga dhisi doono xadka kala qeybiya Mareykanka iyo Mexico.

Murashaxiinta haweenka ah ayaa guulo ka soo hooyay doorashadan oo loo aqoonsaday sannadkii dumarka.

Labo gabdhood oo ay da'doodu tahay 29 sano, oo lagu kala magacaabo Ocasio-Cortez iyo Abby Finkenauer, kana tirsan Dimuqraaddiga ayaa lagu wadaa iney noqdaan xildhibaannadii ugu da'da yaraa ee abid qeyb ka noqda mudaneyaasha aqalka.

Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ayaa iyaguna taariikhda ku galay iney noqdaan gabdhihii muslimiinta ahaa ee markii ugu horreysay abid ku biiray aqalkaas, waxaana laga soo doortay isla xisbiga Dimuqraaddiga.

Maxaa ka socda tartanka Aqalka sare ee Senete-ka?

Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku howlan sidii ay u xoojin lahaayeen aqlabiyaddooda aadka loogu dhow yahay ee ay aqalka sare ugu maamulaan 51-49, taasoo ka dhigan in Jamhuuriga ay horay u heysteen kuraas dhan 51, halka Dimuqraaddiguna ay haysteen 49 kursi.

Haddii ay xaqiijiyaan iney aqalkaas la wareegaan waxaa madaxweyne Trump u suurto galaysa inuu aqlabiyad ku hirgaliyo amarradiisa iyo soo xulashadiisa mas'uuliyiinta dhinaca caddaaladda.

Xisbiga Dimuqraaddiga ayay sannadkan ku adkeyd iney guul la taaban karo ka soo hooyaan tartanka aqalka sare maadaama ay difaacanayeen 26 kursi, halka xisbiga jamhuuriguna ay difaacanayeen 9 kursi oo kaliya.

Guulaha ugu waaweyn ee xisbiga Jamhuuriga waxay ka yimaadeen gobollada Indiana, Missouri iyo North Dakota, halkaasoo ay xilalka uga fara maroojisteen siyaasiyiintii ka soo jeedday Dimuqraaddiga.

Rick Scott ayey u badan tahay inuu ka guuleysto siyaasiga ka socda Dimuqraaddiga ee Senetarka ka ah gobolka Florida, waxayna taasi xisbiga Jamhuuriga ka dhigeysaa iney helaan labada kursi ee laga soo doorto gobolkaas, iyadoo noqoneysa markii ugu horreysay ee ay taasi dhacdo muddo ka badan hal qarni.
Andrew Gillum waxaa looga guulaystay barasaabnimada Florida.
Andrew Gillum waxaa looga guulaystay barasaabnimada Florida.

Maxaa ka socda tartanka Badhasaabyada?

Badhasaabyada gobollada waxaa laga soo dooranayay 36 ka mid ah 50-ka maamul goboleed.

Gobolka Florida, siyaasiga garabka bidix ee lagu magacaabo Andrew Gillum ayaa qirtay inuu ku guul darreystay tartankii kharaaraa ee uu kula jiray siyaasiga xisbiga Trump ka socday ee lagu magacaabo Ron DeSantis.

Balse gabadha ka socotay Dimuqraaddiga ee lagu magacaabo Stacey Abrams, taasoo lagu waday iney noqoto haweeneydii ugu horreysay ee madow ah oo Badhasaab ka noqota Mareykanka ayaa diidday in looga adkaaday tartanka ay la gashay murashaxa Jamhuuriga ee Brian Kemp, oo ay ku loollamayeen gobolka Georgia.

Jared Polis oo ka socda Dimuqraaddiga ayaa la filayaa inuu ku guuleysto Badhasaabnimada gobolka Colorado, waxaana lagu wadaa inuu noqdo ninkii ugu horreeyay ee Badhasaab ka noqda Mareykanka isagoo si cad u ah nin gogosha la wadaaga ragga kale.

Xisbiga Dimuqraaddiga ayaa sidoo kale qaatay maamulka gobollada kala ah Michigan, Illinois iyo Kansas

Badhasaabka xisbiga Dimuqraaddiga ee gobolka New York Andrew Cuomo ayaa isagana markii saddexaad xilka loo doortay.
Sida loogu kala guulaystay gobollada ilaa iyo duhurnimadii Arbacada wakhtiga Afrikada bari
Sida loogu kala guulaystay gobollada ilaa iyo duhurnimadii Arbacada wakhtiga Afrikada bari


5 waxyaabood oo aan ka barannay doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka

1) Taariikh ay dhigeen murashaxiinta haweenka ah


Doorashada inteysan dhicin ka hor ayaa sannadkan lagu tilmaamay sannadkii haweenka, run ayeyna noqotay. Hadda waxaa aqalka Koongareeska ku soo biiray tiro haween ah oo aan horay loo arkin, waxyaabaha qaarna waxay dhaceen markii ugu horreysay.

2) Fursad ay Dimuqraaddiga ku sameeyaan dagaal rogaal celis ah

Mar walba way iska muuqatay in xisbiga Dimuqraaddigu aysan la wareegeynin aqlabiyadda aqalka Sare ee Seneteka, laakiin waxaa rumowday saadaashii laga bixiyay iney guulo ka soo hoyn doonaan tartanka doorashada aqalka hoose.

Hadda waxay fursad u helayaan iney la xisaabtamaan madaxweyne Trump iyo maamulkiisa.

3) Doorashadani ma waxay guul weyn u tahay Trump?


Trump wuxuu sheegay inuu faraxsan yahay, natiijada ay Jamhuuriga ka heleen doorashada aqalka sarena ay tahay mid loo dabaal-dagi karo. Laakiin waxaa xaqiiqo ah in guusha ay Dimuqraaddigu ka gaareen aqalka hoose ay horseedi doonto in loollan loo galiyo si uusan horay u dareemin. Waxaa laga yaabaa inuu dhaco is mari waa ka dhasha qodobada qaar ee uu ula yimaado aqalka.

4) Taageerada tuulooyinka oo luntay


Xisbiga Jamhuuriga waxay ku guul darreysteen iney helaan codadka dadka wax bartay ee ku dhaqan meelaha ka baxsan magaalooyinka. Waa sheeko mar kale taariikh ahaan dib isugu soo celisay waxayna dhibaato ku noqon kartaa siyaasadaha xisbiga ee mustaqbalka.

5) Badhasaabyadii taageersanaa Trump oo qaarkood uu nasiibkooda fiicnaaday kuwana uu xumaaday

Natiijooyinku qaar waxay u wanaagsanaayeen Trump, kuwo kalena waxay u ahaayeen nasiib darro, marka la eego natiijada ka soo baxday doorashadii Badhasaabyada gobollada. Taasi waxay adkeyneysaa tartanka doorashada madaxweynaha ee sannadka 2020-ka.

XIGASHO: BBC





Click here
11/7/2018 4:51 PM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL) – Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho ku soo dhaweyay galinkii dambe ee Arbacada maanta 124 ruux oo laga soo daayay xabsiyada dalka Liibiya.

11/7/2018 4:37 PM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dalkaas Mudane Hulusi Akar ayaa adkeeyey muhiimadda xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

11/7/2018 11:04 AM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL) – Wafdi u hoggaaminayo wasiirka gaashandhigga dowladda Turkiga,Hulusi Akar oo ay waheliyaan taliyaha ciidanka xoogga Turkiga iyo saraakiil kale ayaa galinkii dambe ee Arbacada maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

11/7/2018 10:51 AM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL)– Afhayeenka golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada Soomaaliya,Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa xilka goor dhow iska casilay,sida ay ku warrantay warbaahinata gudaha.

11/7/2018 10:43 AM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL)– Golaha shacabka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku lahaayeen xarunta golaha ee magaalada Muqdisho ayaa baaqday, sababo la xiriira kooram la’aan, kaddib markii tiradii loogu tala galay inuu ku furmo kulanka uu gaari waayay.

11/7/2018 10:34 AM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL)– Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday qeybaha kala duwan ee siyaasada Koofurgalbeed in ay xaqiijiyaan sidii loogu qaban lahaa doorashada iyadoo la raacayo shuruucda lagu heshiiyay,sida ku cad warsaxaafadeed uu baahisay xafiiska howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee UNSOM.

11/7/2018 10:23 AM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Puntland ,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan la qaatay saraakiil ka socota xafiiska UNODS iyo diblamaasiyiin shisheeye oo ka socda dalal badan oo wadashaqayn dhaw laleh Puntland.

11/7/2018 10:13 AM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL)– Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee doorashada 2019 Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye, oo wali ku sugan magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa maanta booqday xeryaha Ciidamada Daraawiishta ee Godad iyo Caano-ka-dhan.

11/7/2018 10:11 AM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL)– Guddida culimadda ee wanaagfarista iyo xumaan reebista Somaliland ayaa khilaaf soo kala dhexgallay, haseyeeshee ilaa hada aanay jirin cid arrintooda xaliso.

11/7/2018 9:44 AM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL)– Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegay in goor dhaw Shariif Xassan Sheekh Aadan uu halkaa kaga dhawaaqay in uu iska casilay xilkii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

11/7/2018 6:17 AM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL) -Wefti Balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa soo gaadhey magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool, si ay qayb uga noqdaan dadaalka lagu joojinayo colaad ka taagan koonfurta degmada Laascaanood.

11/7/2018 4:57 AM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL)-Saacadihii ugu danbeeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaa ka dhoofay tiro xildhibaanno ah oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed kuwaa oo ku sii jeeda magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay.

11/7/2018 1:25 AM EST
Doorashadii la sugaayey ee xiliga dhaxe dalkaan Maraykanka ayaa soo gabagabooday , waxaa guulaystay 4 qof oo Soomaali ah oo ku soo baxay doorashadii,

11/7/2018 12:12 AM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL) – Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho soo gaaraan wafdi uu horkacayo Wasiirka Difaaca dalka Turkiga, waxaana soconaya qaba-qaabada soo dhaweynta wafdiga.

11/7/2018 12:09 AM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL) –Xaalad cakirnaan siyaasadeed ah ayaa ka jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, saacadihii ugu danbeeyay-na waxaa halkaa ka soconayay kulamo siyaasadeed oo looga arinsanayo khilaafka ka dhashay doorashada madaxtinimada ee loo ballansanaa 17ka bishan.

11/7/2018 12:05 AM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL)– Ilhaan Omar ayaa noqoneysa qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo Qaxootinimo ku taga dalkaasi Mareykanka oo ka mid noqota Aqalka Congress-ka, waxaa ay guushaasi ka gaartay doorashaddii dhexe ee Mareykanka ee shalay dhacday.