4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 7 , 2018
Wasiirka Gaashandhigga Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

Arbaco, November, 07, 2018 (HOL) – Wafdi u hoggaaminayo wasiirka gaashandhigga dowladda Turkiga,Hulusi Akar oo ay waheliyaan taliyaha ciidanka xoogga Turkiga iyo saraakiil kale ayaa galinkii dambe ee Arbacada maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Wasiirka gaashandhigga Turkiga iyo wafdiga uu hoggaaminaya ayaa u yimid Muqdisho sidii loo dardar gelin lahaa taageeradda howlaha ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed oo gacan weyn ay ka geysato dowladda Turkiga,sida laga soo xigtay wakaaladda wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ee SONNA.

Muddada ay wafdigan joogaan Muqdisho, waxaa ay la kulmi doonan mas'uuliyiinta sare ee dowladda Soomaaliya oo u ka mid yahay taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]