4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 7 , 2018
Muqdisho: Kulankii Baarlamaanka Federaalka oo u baaqday kooram la’aan

Arbaco, November, 07, 2018 (HOL)– Golaha shacabka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku lahaayeen xarunta golaha ee magaalada Muqdisho ayaa baaqday, sababo la xiriira kooram la’aan, kaddib markii tiradii loogu tala galay inuu ku furmo kulanka uu gaari waayay.

Guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin maqnaanshaha xildhibaanada iyo in kulanka Baarlamaanka uu kooram la’aan u baaqdo, waxa uu inta ku daray inay kulanka soo socda ay yeerin doonaan liiska Xildhibaanada ka maqan fadhiyada Baarlamaanka, isla markaana lala xisaabtami doono.

Saddex meel labo meel ayaa ka maqnaa fadhiga Baarlamaanka, waxaana jira Xildhibaano aan fadhiyada imaan, kuwaasoo lagu eedeeyay xil gudasho la’aan,iyadoo lagu waday kulanka maanta in looga doodo Hindise sharciyeedka Duulista iyo Saadaasha Hawada, waxaana Baarlamaanka ka hor akhrin lahaa Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]