3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 7 , 2018
Golaha Guurtida Somaliland oo soo jeediyey in khilaafyada culimada aan la faro-galin

 

Arbaco, November, 07, 2018 (HOL)– Guddida culimadda ee wanaagfarista iyo xumaan reebista Somaliland ayaa khilaaf soo kala dhexgallay, haseyeeshee ilaa hada aanay jirin cid arrintooda xaliso.

Golaha Guurtidda Somaliland ayaa soo jeediyey in ay ka doodaan oo xaliyaan khilaafka ka jira guddida culmada ah ee Wanaag farista, haseyeeshee gudoomiyaha golaha Guurtida ayaa sheegay in khilaafka culimada ay adag tahay in la xaliyo ee loo daayo inay iyagu is afgartaan oo xalistaan murankoodda.

Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in aanu golahoodu ka doodin muranka iyo qaybsanaanta ka jirta culimada oo madaxweyneyaashii soo maray Somaliland mid walba ka maagay in uu dhex gallo, waxaanu soo jeediyey in iyaga loo daayo inay dhamaystaan.

“Arrintan aad leedihiin ha laga doodo, waar culimadu way qaybsan tahay , culimadii iyagii baa is haya oo doodaya, horta iyagu meel wax ha isla dhigeen, waligeedba arintaasi culimadu way taagnay oo madaxweyne Cigaal baa ka cararay, oo Daahir Rayaale ka cararay, oo Siilaanya ka aamusay. Horta iyagu ha soo dhamaystaan oo aynu u dayno”ayuu yidhi gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.

Gudoomiyaha guurtida ayaa sheegay in khilaafyada diintu adag tahay in la xaliyo, isla markaana culimadu arrimo badan isku hayaan, sidaas darteed uu goluhu ka gaabsanayo inuu farogaliyo arrimaha dhextooda yaalla.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
11/7/2018 4:57 PM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL) – Xisbiga dimuqraaddiga Mareykanka ayaa la wareegay aqlabiyadda aqalka wakiillada ee loogu tartamay doorashadii xilliga dhexe, taasoo dhabar jab ku noqonaysa madaxweyne Donald Trump.

11/7/2018 4:51 PM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL) – Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho ku soo dhaweyay galinkii dambe ee Arbacada maanta 124 ruux oo laga soo daayay xabsiyada dalka Liibiya.

11/7/2018 4:37 PM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dalkaas Mudane Hulusi Akar ayaa adkeeyey muhiimadda xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

11/7/2018 11:04 AM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL) – Wafdi u hoggaaminayo wasiirka gaashandhigga dowladda Turkiga,Hulusi Akar oo ay waheliyaan taliyaha ciidanka xoogga Turkiga iyo saraakiil kale ayaa galinkii dambe ee Arbacada maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

11/7/2018 10:51 AM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL)– Afhayeenka golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada Soomaaliya,Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa xilka goor dhow iska casilay,sida ay ku warrantay warbaahinata gudaha.

11/7/2018 10:43 AM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL)– Golaha shacabka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku lahaayeen xarunta golaha ee magaalada Muqdisho ayaa baaqday, sababo la xiriira kooram la’aan, kaddib markii tiradii loogu tala galay inuu ku furmo kulanka uu gaari waayay.

11/7/2018 10:34 AM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL)– Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday qeybaha kala duwan ee siyaasada Koofurgalbeed in ay xaqiijiyaan sidii loogu qaban lahaa doorashada iyadoo la raacayo shuruucda lagu heshiiyay,sida ku cad warsaxaafadeed uu baahisay xafiiska howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee UNSOM.

11/7/2018 10:23 AM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Puntland ,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan la qaatay saraakiil ka socota xafiiska UNODS iyo diblamaasiyiin shisheeye oo ka socda dalal badan oo wadashaqayn dhaw laleh Puntland.

11/7/2018 10:13 AM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL)– Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee doorashada 2019 Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye, oo wali ku sugan magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa maanta booqday xeryaha Ciidamada Daraawiishta ee Godad iyo Caano-ka-dhan.

11/7/2018 9:44 AM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL)– Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegay in goor dhaw Shariif Xassan Sheekh Aadan uu halkaa kaga dhawaaqay in uu iska casilay xilkii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

11/7/2018 6:17 AM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL) -Wefti Balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa soo gaadhey magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool, si ay qayb uga noqdaan dadaalka lagu joojinayo colaad ka taagan koonfurta degmada Laascaanood.

11/7/2018 4:57 AM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL)-Saacadihii ugu danbeeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaa ka dhoofay tiro xildhibaanno ah oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed kuwaa oo ku sii jeeda magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay.

11/7/2018 1:25 AM EST
Doorashadii la sugaayey ee xiliga dhaxe dalkaan Maraykanka ayaa soo gabagabooday , waxaa guulaystay 4 qof oo Soomaali ah oo ku soo baxay doorashadii,

11/7/2018 12:12 AM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL) – Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho soo gaaraan wafdi uu horkacayo Wasiirka Difaaca dalka Turkiga, waxaana soconaya qaba-qaabada soo dhaweynta wafdiga.

11/7/2018 12:09 AM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL) –Xaalad cakirnaan siyaasadeed ah ayaa ka jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, saacadihii ugu danbeeyay-na waxaa halkaa ka soconayay kulamo siyaasadeed oo looga arinsanayo khilaafka ka dhashay doorashada madaxtinimada ee loo ballansanaa 17ka bishan.

11/7/2018 12:05 AM EST
Arbaco, November, 07, 2018 (HOL)– Ilhaan Omar ayaa noqoneysa qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo Qaxootinimo ku taga dalkaasi Mareykanka oo ka mid noqota Aqalka Congress-ka, waxaa ay guushaasi ka gaartay doorashaddii dhexe ee Mareykanka ee shalay dhacday.