4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 7 , 2018
Wasiirka Difaaca Turkiga oo Muqdisho imaanaya

 

Arbaco, November, 07, 2018 (HOL) – Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho soo gaaraan wafdi uu horkacayo Wasiirka Difaaca dalka Turkiga, waxaana soconaya qaba-qaabada soo dhaweynta wafdiga.

Wafdigan waxaa kamid ah taliyaha ciidamada xoogga dalka Turkiya ,Saraakiil sare iyo madaxa Hay’adda TIKA.

Wasiirka Difaaca dalka Turkiga iyo Saraakiil ka tirsan dowladda dalkaasi ayaa maanta kusoo wajahan magaalada Muqdisho, waxaana socda soo dhaweynta mas’uuliyiinta dowladda Turkiga.

Wafdigan waxaa kamid ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Turkiya ,Saraakiil sare iyo madaxa Hay’adda TIKA.

Wasiirka ayaa la kulmi doona madaxda ugu sareysa Soomaaliya, gaar ahaan dhiggiisa wasaarradda difaaca ee Soomaaliya, iyagoona ka wada hadli doonaa sidii loo hormarin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Hay’addaha amniga Dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa kaalin wanaagsan ka qaadaneysa dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka iyadoo Magaalada Muqdisho ka dhistay saldhig ay tababar tayo sare leh kusiinayso ciidamada Xoogga Dalka oo ay ku jiraan Saraakiil, Saraakiil xigeen, waxaana sidoo kale Labada Dal dhex mara heshiisyo iskaashi ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]