4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 7 , 2018
Ilhaan Cumar oo ka mid noqotay Congress-ka Mareykanka

 

Arbaco, November, 07, 2018 (HOL)– Ilhaan Omar ayaa noqoneysa qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo Qaxootinimo ku taga dalkaasi Mareykanka oo ka mid noqota Aqalka Congress-ka, waxaa ay guushaasi ka gaartay doorashaddii dhexe ee Mareykanka ee shalay dhacday.

Waxaa ay badashay Ilhaan Cumar Keith Ellison oo ahaa muslimiinkii ugu horreeyay ee ka mid noqdo Aqalka Congress ,islamarkaana ka soo galay dhanka Minnesoto.

Waxey sameysay taariikh weyn madaama ay noqoneyso qofkii ugu horreeysay ee Soomaali ah misana  loo doorto  Congress-ka  Mareykanka.

Waxaa ay sidoo kale noqonaysaa mid ka mid ah haweenka ugu horreeyay ee Muslimka ah ee loo doorto Congress-ka.

Waxa ay ka socotay Xisbiga Dimoqraadiga ah, waxaana la aamisan yahay in guusha Ilhaan ay soo dedejisay Caddaadiska lagu haayo dadka Muslimiinta ah ee kunool dalka Mareykanka.

Ilhaan Cumar oo 35 sano jir ah ayaa taariikh sameysay ka dib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo xildhibaan ka noqdo dalka Maraykanka sanadkii 2016-kii.

Waxay Soomaaliya ka qaxday xilligii dagaalka sokeeye iyadoo 8 sano jir ah, muddo afar sano ayeey ku nooleyd xerada qaxootiga ee Dhadhaab, iyadoo Maraykanka tagtay 12keedii.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]