4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 6 , 2018
Wasiirka Difaaca Turkiga oo Muqdisho booqanaya


Talaado, November, 06, 2018 (HOL)– Wasiirka difaaca dowladda Turkiga,Hulusi Akar ayaa booqanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, Arbacada berri ah, sida ay baahisay wakaaladda wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ee SONNA.

Wafdi waxaa ka mid ah taliyaha ciidanka xoogga Turkiga iyo madaxa hay'adda TIKA, waxa ay wada-hadallo la yeelan doonan dhiggooda Soomaaliya.

"Waxa ay ka shaqeyn doonan sidii loo hormarin lahaa xiriirka ka dhaxeeya hay’addaha amniga dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga." ayaa lagu yiri warka ay baahisay wakaaladda SONNA oo xigatay saraakiil ka tirsan dowladda.

Turkiga waxa uu ka gacansiiya dowladda Soomaaliya tabbabarada ciidammada, waxaa Muqdisho ku yaalla saldhig uu Turkiga ku tabbabaro ciidanka milatariga Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]