4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 6 , 2018
Muqdisho: Wasaaradda waxbarashada oo sagootisay Aray deeq waxbarsho ka helay Itoobiya

Talaado, November, 06, 2018 (HOL)–  Wasaaradda Waxbarshadda Hiddaha iyo tacliinta sare ee  Soomaaliya ayaa maanta magaaladda Muqdisho munasaabad sagootin ah ugu sameysay 223 arday oo deeq waxbarsho ka helay  dowladda Itoobiya.

Ardaydaan ayaa 46 kamid ah waxay diyaarin doonaan Darajada labaad ee Masterka , halka 177- Arday  ay diyaarinayaan heerka koowaad ee waxbarashada Jaamacadda, iyagoo baran doona kuliyadaha kala ah Caafimaadka, beeraha , IT, Enjineerin, iyo kuwa kale.

Safiirka dawladda Itoobiya u fadhiya Muqdisho,Jamaaludiin Mustafa  ayaa sheegay in markasta ardayda Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin deeqaha waxbarasho.

Wasiiro Dowlaha Wasaaradda waxbarshada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulee jaabir  ayaa ardeyda kula dardaarmay inay  ka faa’ideystan deeqada waxbarasho ee la siiyay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]