3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 6 , 2018
Musharax Maxamuud Khaliif oo si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo


Talaado, November, 06, 2018 (HOL)– Musharraxa xilka Madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019 Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye , ayaa Talaadada maanta ah soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Boqollaal dadwayne ah oo ruxayey calammo iyo caleemo qoyan, ayaa musharraxa iyo wafdigiisa kaga hortegey dulleedka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo, waxaana musharraxu mid mid u gacan qaaday dhammaan dadkii soo dhowayntiisa usoo baxay.

"Gaalkacyo ku soo dhawoow , gobolka Mudug ku soo dhawoow ,odayaal rag iyo dhallinyaraba waa nakan... waxaan ku tuseynaa qulubtayadda iyo niyad samidayadda sida aan raalli kaga nahay." ayuu yiri nabadoon Cabdulcasiis Aw Yuusuf Maxamed (Xaarin) oo ka mid ah odayaasha gobolka Mudug.

Maxamuud Khaliif Xassan ayaa khudbad u jeediyey dadweynihii isugu soo baxay soo dhaweyntiisa ee  magaalada Gaalkacyo , ugu horrayn wuxuu uga mahadceliyey sida qiimaha badan ee ay usoo dhoweeyeen iyo waliba taageerada baaxadda leh ee ay u muujiyeen musharaxnimadiisa.

"Runtii waxaa aad ii taabatey sida wanagsan ee nabadoonnada,waxgaradka iyo bulshada Gaalkacyo ay halkan igu soo dhaweeyeen ..Gurigeygii inan imid ayaan dareemaya." ayuu yiri musharax Maxamuud Khaliif .

Musharraxa oo carrabka ku dhuftay sida uu gobolka Mudug muhiim ugu yahay Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, ayaa dhanka kale boggaadiyay nabadda magaalada Gaalkacyo ee labada dhinac, waxaa kalo uu shacabka Gaalkacyo ku ammaanay sida isku tashiga ah mashaariicda muhiimka ah ee ay ku dhisanayaan.

Gabagabadii, musharraxa ayaa sheegay inuu safar ku marayo dhammaan gobollada iyo deegaannada Puntland,waxa uu socdaalka ku tilmaamay mid uu ku doonayo inuu ku ogaado guri guri xaaladaha shacabka Puntland.

Doorashada madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa inay magaalada Garoowe ka dhacdo horraanka bisha Jannaayo ee sanadka 2019-ka,iyadoo deegaannada ay mar hore ka bilowdeen ololaha dooarshada ee musharixiinta.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/6/2018 4:26 PM EST
Talaado, November, 06, 2018 (HOL)– Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay, madaxa waaxda Horumarinta Caalamiga ah (DFID) ee UK u qaabilsan Soomaaliya Mr Phil Evans.

11/6/2018 4:11 PM EST
Talaado, November, 06, 2018 (HOL)– Wasiirka difaaca dowladda Turkiga,Hulusi Akar ayaa booqanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, Arbacada berri ah, sida ay baahisay wakaaladda wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ee SONNA.

11/6/2018 3:54 PM EST
Talaado, November, 06, 2018 (HOL)– Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya,Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo Saraakiisha ugu sarreysay Booliska.

11/6/2018 3:51 PM EST
Talaado, November, 06, 2018 (HOL)– Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta la kulmay xubno ka socday Bankiga aduunka (World Bank).Xubnihii ka socday World Bank ayaa guddiga la wadaagay warbixin ku saabsaneyd fursadaha dhaqaale ee adduunka ka jira iyo sida Soomaaliya loogu faa’iideyn karo.

11/6/2018 3:50 PM EST
Talaado, November, 06, 2018 (HOL)– Wasaaradda Waxbarshadda Hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa maanta magaaladda Muqdisho munasaabad sagootin ah ugu sameysay 223 arday oo deeq waxbarsho ka helay dowladda Itoobiya.

11/6/2018 10:39 AM EST
Talaado, November, 06, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysa war ka soo saartay toogasho subaxnimadii hore ee saakay ciidamada AMISOM ay geysteen magaalada Muqdisho.

11/6/2018 7:42 AM EST
Talaado, November, 06, 2018 (HOL) - Howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa lagu eedeeyay in subaxnimadii hore ee saakay si bareer ah ugu toogteen xaafadda SOS ee degmada Huriwaa Afar ruux oo rayid ah.

11/6/2018 7:27 AM EST
Talaado, November, 06, 2018 (HOL) -Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) wuxuu cambaaraynayaa xayiraaddii iyo weerarkii loo geystay kolonyo gaadiid oo QM leedahay [dhacdadaas] oo ka dhacday waddada xiriirisa Gaalkacyo iyo Cadaado ee dowlad goboleedka Galmudug Sabtidii, 3dii November.

11/6/2018 6:31 AM EST
Talaado, November, 06, 2016 (HOL)-Askastan oo tiro ahaan gaarayay ilaa 13 ayaa ku eedeeysnaa in ay magaalada Kismaayo ka geeysteen falal amni darro, waxaana maxkamaddu ay maanta u fariisatay dhageeysigii labaad ee dambiyaha lagu eedeeyay askarta ka tirsanaa cidamada Jubbaland.

11/6/2018 4:32 AM EST
Talaado, November, 06, 2016 (HOL)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa goor dhow war saxaafadeed ka soo saartay doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo qabsoomideeda uu jahwareer ku yimid, kaddib markii ay is casileen inta badan xubnihii Guddiga doorashada.

11/6/2018 4:03 AM EST
Talaado, November, 06, 2018 (HOL) -Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa si kulul u cambaareeyay faragelin lagu haayo doorashada Koofur Galbeed, iyagoo soo dhoweeyay go’aankii xubno ka mid ah Guddiga doorashada Koofur Galbeed isku casileen.

11/6/2018 3:46 AM EST
Talaado, November, 06, 2018 (HOL) -Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiiru dowlihii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koofur Galbeed Abba Aawoow Suufi Caffan.

11/6/2018 3:37 AM EST
Talaado, November, 06, 2018 (HOL) -Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ahna Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) ayaa xariga ka jaray Xarunta Luqadaha iyo Tababarrada ee Jaamacadda Jobkey oo ah Machad casri ah oo laga howlgeliyey Muqdisho.

11/6/2018 3:13 AM EST
Talaado, November, 06, 2018 (HOL)-Iyadoo uu soo ifbaxay khilaaf xoog leh oo ka dhashay doorashada maamulka Koonfur Galbeed, dhinaca kalana maamul Puntland uu isku diyaarinayo doorasho madaxwyne, ayaa arrimahan war ka soo saaray madasha Talo-Wadaag oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay dalka.

11/6/2018 1:01 AM EST
Talaado, November, 06, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya xaafadda SOS ee degmada Huriwaa ayaa sheegaya in ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM toogasho ku dileen Afar ruux oo rayid ah kaddib markii sida la sheegay subaxnimadii hore ee saakay qarax lala eegtay.

11/6/2018 12:46 AM EST
Talaado, November, 06, 2018 (HOL) – Dadka ku dhaqan xaafadda Ceelqalaw ee degmada Wadajir ayaa siweyn uga naxay gaarida Safiya Cabdiraxmaan oo aheyd dhalinyarada waxbaratay kaddib markii Mooto Bajaaj ay la soctay uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada dowladda habeennimadii xalay.

11/6/2018 12:08 AM EST
Talaado, November, 06, 2018 (HOL) – Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in uu khilaaf xoog leh uu soo kala dhaxgalay guddiggii doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed kaddib markii ay shalay is casilee inta badan xubnihii guddiga.