Dowladda Soomaaliya : Waan ka xunnahay dhacdadii dadka lagu laayay ee degmada Huriwaa
Talaado, November, 06, 2018 (HOL)–Dowladda
Soomaaliya ayaa markii ugu horeysa war ka soo saartay toogasho subaxnimadii
hore ee saakay ciidamada AMISOM ay geysteen magaalada Muqdisho.
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda
Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay la socoto dad
rayid ah oo waxyeelo kasoo gaartay dhacdadii ay ku lug lahaayeen ciidamadda
AMISOM ee saakay ka dhacday degmada Huriwaa ee Gobalka Banaadir,
Dowladda ayaa sheegtay in ay waddo baaritaannno
la xiriira sida ay dadka ku dhinteen, wixii baaritaanka ka soo baxana la wadaagi doonaan shacabka Soomaaliyeed.
“Dowladda
Federaalka Soomaaliya waxa ay la socotaa dhacdo ay dad rayid ah waxyeello ka
soo gaartay oo ka dhacday degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, taas oo ay ku
lug leeyihiin ciidamada AMISOM.
Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka
waxaa ka go’an la dagaallanka Al-shabaab iyo wixii la hal maala,
sidoo kalena waxaa dowladda ka go’an dhowrista bad-qabka shacabka Soomaaliyeed
oo ah kan dartiis dagaalka loogu jiro.
Dowladdu waxa ay waddaa baaritaan la xiriira
dhacdada maanta,iyadoo bulshada la wadaagi doonta wixii ka soo kordha, waxeyna
ka xuntahay waxyeelo gaarta shacabka Soomaaliyeed.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]