4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 6 , 2018
UNSOM oo cambaareysay rasaas lagu furay gaadiid Qaramada Midoobey leedahay deegaannada Galmudug

 

Talaado, November, 06, 2018 (HOL) -Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) wuxuu cambaaraynayaa xayiraaddii iyo weerarkii loo geystay kolonyo gaadiid oo QM leedahay [dhacdadaas] oo ka dhacday waddada xiriirisa Gaalkacyo iyo Cadaado ee dowlad goboleedka Galmudug Sabtidii, 3dii November. 

Kolonyada waxaa la socday tobaneeyo saraakiil boolis ah oo ka  socday Koonfurta Gaalkacyo saacadihii dambe ee galabnimadii Sabtida  markii lagu joojiyay bar-koontarool oo shan kiiloomitir banaanka ka ah  Cadaado ayna joogeen sideed rag ah oo sheeganayay in ay yhihiin saraakiil  boolis. Midkoodna ma xirnayn dharka/lebiska booliska, laakiin waxay  diideen inay marin siiyaan kolonyada oo gelbinaysay koox shaqaale QM ah  oo loo xil-saaray gogol-xaarka booqasho ku wajahnayd Dhusamareeb oo  madaxda QM ku tegi lahayd halkaas.  
   
Kadib markii saraakiishii QM go’aansadeen inay baajiyaan hawsha [socdaalka shaqo] oo ay dib ugu laabtaan Galkacyo, ayaa gaari xamuul qaad ah oo ay saarnaayeen maleeshiyaad wuxuu soo dhexmaray barta kontorool wuxuuna rasaas ku furay kolonyadii QM. Ma jiro qof kamid ah xubnaha kolonyada oo ku dhaawacmay, mana jirto waxyeelo kasoo gaartay gaadiidka QM dhacdadaasi rasaasaynta ah.
 
“Weerarkii todobaadkii hore loogu geystay Cadaado kolonyada QM ma aha wax la qabali karo, waxaana ugu baaqaynaa madaxda dowlad goboleedka Galmudug iyo Dowladda Federaalka ah inay la xisaabtamaan maleeshiyaadkii rasaasta ku furay saaxiibadeen. Weerar noocaas oo kale ah looma geysan Qaramada Midoobay ee Soomaaliya muddo aad u fog.” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom. “Shaqaalaha Qaramada Midoobay waa in loo ogolaado inay si xor ah ku dhexmaraan Soomaaliya waqti kasta. Waa inay awood u helaan gudashada waajibaadka shaqo ee UNSOM iyo hey’adaha QM, sanduuqyada iyo barnaamijyada iyagoo aan khatar ugu gelin in la rasaaseeyo sabab la’aan.”

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]