4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 6 , 2018
Wasaarradda arrimaha Gudaha oo ku baaqday in doorashada Koonfur Galbeed ku dhacdo waqtiggii loogu talagalay

 

Talaado, November, 06, 2016 (HOL)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa goor dhow war saxaafadeed ka soo saartay doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo qabsoomideeda uu jahwareer ku yimid, kaddib markii ay is casileen inta badan xubnihii Guddiga doorashada. 

Qoraal ka soo baxay Wasaarradda oo lagu daabacay  Wakaalada Wararka Qaranka ayaa lagu sheegay in Wasaarraddu  fartay madaxda dowlad goboleedka Koofur Galbeed in  doorashada ay ku qabsoonto xilligii loo asteeyay oo ku beegan 17-ka  November 2018.

Qoraalka Wasaarradda : 

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka.

Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira koofur galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo.

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koofur Galbeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]