4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 6 , 2018
Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray xarunta sare ee Luuqadaha iyo tababarada oo Muqdisho laga daahfuray


Talaado, November, 06, 2018 (HOL) -Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ahna Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) ayaa xariga ka jaray Xarunta Luqadaha iyo Tababarrada ee Jaamacadda Jobkey oo ah Machad casri ah oo laga howlgeliyey Muqdisho. 

Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo qaban-qaabiyey ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan, xildhibaano ka tirsan labada gole ee dowlada, aqoonyahano iyo qeybaha bulshada.

Eng.Yariisow oo munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in muhiimad weyn ay ku fadhiyaan dib u soo nooleynta xarumihii waxbarashada, gaar ahaan Xarumaha tababarada iyo Luqadaha ee aqoonta bulshada lagu dhisayo.

“In dib loo howlgeliyo xarumihii Tababarka iyo Luqadaha ee caasimadda waa mid ahmiyad weyn ku fadhida oo aan uga mahadcelinayno Jaamacadda Jobkey ee howshan iska xil saartay, si kor loogu qaado aqoonta bulshada ee dhinaca Luuqadaha” ayuu yiri Eng.Yariisow.

Duqa Muqdisho ayaa xusay in Maamulka Gobolka Banaadir uu had iyo jeer u taagan yahay sidii aqoonta bulshada caasimadda kor loogu qaadi lahaa, isla markaana loo soo nooleyn lahaa xarumihii kala duwanaa ee waxbarashada ka shaqeyn jiray.

“Waxaan rabnaa in muwaadin walba uu wax qori karo waxna akhrin karo, waana sababta aan waxbarashada dadka waaweyn uga hirgelinayno caasimadda” ayuu intaa ku daray duqa Muqdisho.

Waxaa sidoo kale ka hadlay Munaasabadaas guddoomiyaha Jaamacada Jobkey C/casiis Caagane C/samad oo sheegay in hirgelinta machadkan uu qeyb ka yahay dedaalka jaamacadu ugu jirto kor u qaadida aqoonta dhalinta Soomaaliyed, isagoo xusay in hirgelintiisa ay muddo dheer ka soo shaqeynayeen, uuna yahay mid casri ah oo ka duwan kuwa la midka ah ee dalka ka jira.

“Furitaanka  xarunta luqadaha iyo Tababarada Jaamacadda Jobkey waa astaan tusaale u  ah inaan wax badan qaban karno Waxaan u mahad celinayaa dhamaan dadkii inagala soo qeyb galay xafladan oo uu ugu  horeeyo duqa magaalada Abdirahman Omar Osman (Eng. Yariisow) Senatarada  Aqalka Sare iyo Xildhibaanada Baarlamanka, Wasaaradda Waxbarashada iyo  marti sharafta kale” ayuu yiri Caagane oo ardayda Soomaaliyed ugu baaqay iney ka faaiideysaan Machadkan casriga ah oo uu  xusay iney ka heli doonaan waxbarasho tayo sare leh. 

Agaasimaha  Waaxda Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumada Somaalia Dr.  C/shakuur Xassan Faqih oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa ka waramay ahmiyada ay leeyihiin xarumaha noocan ah ee  dhinaca waxbarasahada, isagoo xusay in wasaaraddu ay soo dhoweyneyso  furitaanka xarumaha lagu xoojinayo aqoonta dhalinta Soomaaliyeed isagoo u  mahad celiyey Maamulka Jaamacada Jobkey oo xarunta hirgeliyey. 

Munaasabadan  oo ku soo dhamaatay jawi aad u farxad badan ayaa waxaa sidoo kale intii  ay socotay ka hadlay xubno isugu jiray aqoonyahano, masuuliyiin iyo ururada bulshada oo si diiran u soo dhoweeyey furitaanka  xaruntan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]