4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 6 , 2018
Macalimad xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

 

Talaado, November, 06, 2018 (HOL) – Dadka ku dhaqan xaafadda Ceelqalaw ee degmada Wadajir ayaa siweyn uga naxay gaarida Safiya Cabdiraxmaan oo aheyd dhalinyarada waxbaratay kaddib markii Mooto Bajaaj ay la soctay uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada dowladda habeennimadii xalay.

Dadka xaafadda uu falkan ka dhacay ayaa sheegay in askariga uu isku dayay in uu rasaasta waddada ku furto, hasse ahaatee ay haleeshay gabadhan oo la soctay gaariga Mootada ah.

Gabadhan geeriyootay ayaa la sheegay in ay macalimad ka aheyd dugsiga Raage Ugaas, waxaa ay ka qalinjebisay mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho.

Wali kama aysan hadal laamaha amniga dowladda toogashadan la sheegay in xalay ay ka dhacday magaalada Muqdisho

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]