4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 5 , 2018
Inta badan guddiggii doorashada Koonfur Galbeed oo is casilay

 

Isniin, November, 05, 2018 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in ku dhawaad 11 xubnood oo ay ka mid yihiin guddoomiyihii iyo ku-xigeenkii guddigga doorashada oo gabi ahaanba is casilay.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta keentay in guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed shaqada isaga tagaan, hasse ahaatee arintan oo ah inta badan mid ku cusub arrimaha doorashada ayaa imaneysa xili ay soo baxayaan warar sheegaya in uu ka baxay musharaxnimadii madaxweyne Shariif Xassan Sheekkh Aadan.

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhaw dhaw guddiga ayaa sheegaya in guddiga uga tageen shaqada fara-galin baahsan oo sida qaarkood laga soo xigtay lagu hayo arrimaha doorashada maamulka Koonfur Galbeed, laakiin wali xubnaha is casilay uma aysan faah faahin warbaahinta sababta ay tallaabadan u qaadeen.

Maanta waxaa xilkii Wasiirka Tamarta iyo Biyaha dowladda Soomaaliya iska casilay Cabdicasiis Lafta-Gareen oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha, waxaana wararku sheegayaan in Lafta –gareen yahay musharax ka socda dowladda Soomaaliya.

Wali Shariif Xassan ma uusan sheegin in uu isaga baxay doorashada laakiin warkan arintan ku saabsan ayaa siweyn isku soo taraya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]