4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 5 , 2018
Baarlamaanka Soomaaliya oo akhrinta labaad marsiiyay sharciga hay’adda Naafada Qaranka
 
Isniin, November, 05, 2018 (HOL) - Xildhibaannada golaha shacabka oo maanta ku shiray xarunta golaha ayaa maalintii labaad akhrin marsiiyay sharciga hay'adda Naafada Qaranka.

Guddoomiyaha golaha Shacabka,Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shir guddoomiyay kulanka 22-aad ee kalfadhiga 4-aad ee golaha oo ay goobjoog ahaayeen 139 xildhibaan ayaa guddiga xuquuqul insaanka ee golaha shacabka waxa ay ku soo bandhigeen warbixinta akhrinta labaad hindise- sharciyeedka hay’adda Naafada Qaranka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee golaha shacabka Xildhibaan Xaawa Yuusuf Axmed ayaa golaha usoo bandhigtay qodobbada ay ku kordhiyeen hindise-sharciyeedkan iyo meelaha ay wax ka badaleen.

Xildhibaannada ayay ka codsatay in xeerkan si deg deg ah lagu meel mariyo maadaama uu muhiim yahay, sidoo kalena xildhibaanada soo bandhigaan talooyinkooda.

Akhrinta ka dib ayaa xildhibaanada golaha shacabka waxa ay soo bandhigeen talooyinkooda ku saabsan xeerkan iyo meelaha wax ka badalka u baahan,iyadoo xildhibaannada ay dood ka yeeshay qodobbada qaar ee ku jira hindise sharciyeedkan ee u baahan in aad loogu fiirsado.

Gabagabadii,guddoomiyaha golaha shacabka , Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in hay’addaan ay tahay mid muhiim ah loona baahan yahay in talooyin badan xildhibaanada ku daraan dhismaheeda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]