4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 5 , 2018
Qof lagu dilay deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag

 

Isniin, November, 05, 2018 (HOL) -Deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag ayaa xalay lagu dilay hal qof oo shacab ah, isla markaan waxa baxsaday gacan ku dhiiglihii dilka gaystay.

Marxuumkan la dilay ayaa magaciisa la odhan jirey Saleebaan Xuseen Maxamed, waxaana amar lagu siiyey ciidanka Militiga inay gacan ku soo dhigaan gacan ku dhiiglihii dilka geystay.

Deegaanka uu dilku ka dhacay ayaa ah deegaankii gartooda lagu raagay ee labadda beelood marar badan isku dileen, waxaana soo xaliyey oo shareecada islaamka ku soo afjaray culimadda waaweyn ee Somaliland, kuwaas oo go’aamo adag ka soo saaray, waxaana ka mid ah go’aamadda in qofkii qof dilla loo dillo, isla markaana beesha qof laga dilo aanay markiiba aargoosan ee ay u dayso dawladda, iyadoo markii hore marka qof la dilo markiiba qoladii wax laga dilay dad kale oo aan waxba gaysan iska dili jireen, taas oo sii murgisay xalinta dirirta labadan beelood ee walaala ah.

Wasiirka dastuurka iyo xidhiidhka goleyaasha Maxamed Xaaji Aadan oo ku sugan gobolka Sanaag ayaa tacsi u direy qoyska marxuumka laga dilay, waxaanu ciidmada ku amrey inay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglaha.

“Nabaddii salka loo dhigay ee Somaliland oo dhani iskugu timid cidii maanta isku dayday inay waxyeesho suurtoobi mayso oo gacan bir ah ayaa lagu qabanayaa oo gacan shacab iyo gacan dawladeed ayaa wax lagaga qabanaya”ayuu yidhi wasiirka Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.