4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 5 , 2018
Wakiilka QM iyo ergayga Midowga Afrika oo Gaalkacyo kula kulmay madaxweyne Xaaf

Isniin, November, 05, 2018 (HOL) - Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya,Nicholas Haysom iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu waheliyo Ergeyga Midowga Afrika ,Francisco Madiera ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Haysom iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa xarunta madaxtooyada Galmudug ee ku taalla koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxaa ay kulan gaar ah kula qaateen madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle ,madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir iyo mas'uuliyiin kale oo maamul ka tirsan.

Inta uu kulanka socday waxaa diiradda lagu saaray sidii loo hormarin lahaa wada-hadallada siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada,waxaa inta dheer oo kulanka looga hadlay xoojinta nabadeynta Galmudug iyo xallinta khilaafka hoggaamiyayaasha maamulka.

Warar madax bannaan oo ay heshay HOL, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in madaxweynaha Galmudug uu u gudbiyay wakiilka Qaramada Midoobay cabasho ka dhan ah dowladda federaalka oo u ku eedeyay faregalinta maamulka.

Safarka uu Gaalkacyo ku soo gaaray wakiilka Qaramada Midoobay ayaa noqonaya midkii u horreeyay, sidoo kale waxaa uu markii ugu horreeysay booqday xarumaha dowlad-gobolleedyada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]