4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 5 , 2018
Tabbabar Gaalkacyo uga furmay suxufiyiin ka howlgalla warbaahinta gobolka Mudug

Isniin, November, 05, 2018 (HOL) - Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa tabbabar uga furey magaalada Galkacayo 20 suxufi oo ka hawgala xarumaha kala duwan ee warbaahinta gobolka Mudug.

Tabbabarka oo soocnaya saddex maalmood ayaa ku saabsan Badqabka saxafiga, habka tebinta doorashooyinka iyo ka warbixinta goobaha colaadahu ka jiraan.

Guddoomiyaha MAP, Maxamed Daahir Caynsane oo furey tabbabarka ayaa sheegay in kani u yahay bilow tabbabaro saxafiyiinta Puntland lagu baraarujinayo badqabkooda shakhsiyaseed iyadoona la bari doono habka loo tabiyo doorashooyinka loona sameeyo warbixinada la xiriira.

Caynsane , waxa uu ku booriyay saxafiyiinta ka qaybgaleysa tabbabarka inay hormuud ka noqdaan dardargelinta isdiiwaangelinta, isagoona amaanay sida warbaahinta Galkacayo uga shaqeyneyso wacyigelinta nabadgelyada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]