4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 5 , 2018
Ururka Iskaashiga Islaamka OIC oo cambaareeyay qorshaha madaxweynaha cusub ee Brazil

 

Isniin, November, 05, 2018 (HOL) -Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa cambaareeyay qorshaha madaxweynaha cusub ee dalka Brazil Jair Bolsonaro uu safaarada dalkiisa ee Tel Aviv ugu rarayo magaalada Jerusalem.

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa sheegay in madaxwynuhu hoos u eego sharciyad, isaga oo ku xadgudbay xeerka caalamiga ah ee qaraarka Qaramada Midoobey, sida uu sheegay xoghayaha guud ee OIC Yousef Al-Othaimeen.

''Madaxweynaha cusub ee  Brazil waa in uu tixgaliyo qaraarrada caalamiga ah iyo xeerka Qaramada Midoobey, waxaana ku boorineynaa in uu dib uga laabto go'aankiisa'' ayuu yiri Yousef Al-Othaimeen.

OIC ayaa waxaa ku mideysan ilaa 57 dowladood oo dunida muslimka ah waana hay'ad weyn oo caalami ah marka laga soo tago Qaramada Midoobey.

 Jair Bolsonaro, madaxweynaha dhawaan la doortay ee dalka Brazil ayaa sheegay in uu safaarada dalkiisa ee magaalada Tel Aviv u rarayo magaalada Jerusalem.

Jair Bolsonaro iyo Guatemala oo kaliya ayaa hadda safaaradahooda u raray magaalada Jerusalem iyadoo guud ahaan dowladdaha kale wali safaaradahoodu ku yaalaan magaalada Tel Aviv.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]