4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 5 , 2018
Cali Xaaji Warsame oo Gaalkacyo kaga dhawaaqay in uu u sharraxanyahay xilka madaxweynaha Puntland


Isniin, November, 05, 2018 (HOL) - Siyaasiga Cali Xaaji Warsame ayaa magaalada Gaalkacyo kaga dhawaaqay inuu u sharraxanyahay xilka madaxweynaha Puntland doorashada dhacaysa horraanta bisha Jannaayo ee sannadka 2019.

Warsame, ayaa khudbad uu ka jeediyay xalfadda uu kaga dhawaaqay musharaxnimadiisa madaxweynenimo ee Puntland, waxa uu ka sheekeeyay  hankiisa hoggaanka Puntland iyo himilooyinka ay shacabka Puntland leeyihiin,waxa kalo uu si kooban uga hadlay marxaladihii Puntland ay soo martay.

Wuxuu sheegay in Puntland aysan haysan hoggaan addag oo ay u baahantahay hoggaamiye han leh oo 'jeebkiisa ka weyn', waxa uu inta ku daray in dhaqaalaha iyo amniga gobolka uu hooseeyo.

"Ma dhici karto 20 sanno ka bacdi deegaan Soomaaliyeed oo dadkoodii joogaan xarig iyo xabad in lagu heysto.. Puntland waa in deegannadeedii dhammeystirto." ayuu yiri Cali Xaaji oo ka hadlay deegaannada ka maqan gacanta Puntland.

"Puntland waxay udub-dhexeed u ahayd hannaanka federaalka ee Soomaaliya,iyadii laga rabay inay dhex dhexaad u noqoto oo raadiso xallinta khilaafka federaalka ayaa hadda laga yaaba inay hor-boodeyso." ayuu ku daray.

Cali Xaaji, waxa uu sheegay inuu doonayo Puntland inuu ku hoggaamiyo cadaaladda,isagoo inta ku daray dagaalka ugu addag inuu la galayo musuqmaasuqa oo u sheegay inuu hoos u dhigay maqaamka Puntland.

Madaxweynaha xilka haya ee Cabdiweli Gaas iyo musharrixiinta kale ayuu ugu baaqay in wadajir looga shaqeeyo sidii doorashada ay u dhici lahayd si cad oo xalaal ah, waxa uu sheegay inay muhiim tahay dhismaha guddiga xallinta khilaafka ,guddiga oo u sheegay in wadatashi guud oo u dhaxeeya musharrixiinta in lagu soo dhiso.

Nabadoono,Haween,dhallinyaro,Aqoonyahanno,iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda gobalka Mudug oo munaasabadda ka qaybgalay ayaa ugu baaqay xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ee wax dooranaya inay doortaan Cali Xaaji Warsame ,iyagoo inta ku daray inay taageerri doonan musharraxa.

Waa markii labaad oo Cali Xaaji Warsame uu isku soo sharraxo xilka madaxweynaha Puntland, waxaa uu ka qaybgalay doorashadii sanadkii 2014, isagoo kaddibna noqday wasiirka waxbarashada Puntland oo muddo labo sanno ah uu hayay xilka, waxaa kalo uu ka mid ahaa musharixiintii xilka madaxweynaha Soomaaliya ee doorashadii uu ku soo baxay madaxweyne Farmaajo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]