Isniin, November, 05, 2018 (HOL) -Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa dil toogasho ku xukuntay labo askari, kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay horay u dileen askar kale.
Labada askari ee dilka lagu xukumay ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed
Xaashi Waasuge Cosoble oo lagu naaneyso (Oday Daalay) iyo C/risaaq
Maxamed Jimcaale.
Maxamed Xaashi Waasuge Cosoble (Oday Daalay) ayaa loo heystaa in
uu dil bareer ah u geystay Marxuum Saciid Cusmaan Maxamed oo ay ka wada
tirsanaayeen Ciidamada Amniga, kaasoo 30-kii bishii 8aad ee sanadkan ku
dilay Dugsiga Tababarka ee Jen. Shirbow ee degmada Shibis.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa fadhiga Maxkamadda hor keenay
Afar markaati oo dhammaantood isku raacay in Maxamed Xaashi Waasuge uu
si bareer ah u dilay Marxuum Saciid Cusmaan Maxamed, kadib markii uu
isku dayay in uu carqaladeeyo shaqo amni uu haayay Marxuumka, isla
markaasna uu isku dayay in uu baxsado, balse ay ciidamada oo ka tir
badnaa ay hareereeyeen sidaasna qoriga uu dilka ku geystay looga
qaaday.
Sidoo kale C/risaaq Maxamed Jimcaale ayaa isagana loo heystaa dilka
askari ay ka wada tirsanaayeen Ciidanka xoogga dalka oo lagu magacaabi
jiray Qeys Khaliif Salaad, waxaana dilka uu ka dhacay Xerada Laanta
Buure ee Gobolka Shabeellaha Hoose 27-kii bishii 7aad ee sanadkan
Garsoorayaasha ayaa si wadajir ah ugu xukumay dil Maxamed Xaashi
Waasuge Cosoble (Oday Daalay) iyo C/risaaq Maxamed Jimcaale, kaddib
markii ay ku qanceen cadeymaha labada kiis ee Maxkamadda la hor keenay
sida uu u sheegay dhamman dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda Gaashaanle
dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow) oo kamid ah garsoorayaasha
Maxkamadda Ciidamada.
Maxkamadda ayaa
ugu danbeyntii fursad u siisay xukunsanayaashan inay dalban karaan racfaan, haddii aysan ku qancin xukunka ay ku riday Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida.