Wiilasha Khashoggi : Waxaa kaliya ee aan hadda dooneyno waa in aan helno meydka Aabe
Isniin, November, 05, 2018 (HOL) – Salah iyo Abdulla waa labada wiil ee uu dhalay Wariyihii lagu dhax dilay Qunsuliyada Sacuudi Arabia magaalada Istanbul ayaa sheegay in wax kaliya oo ay hadda doonayaan tahay in ay helaan laguna soo wareejiyo meydka Aabahood Jamaal Khashoggi.
‘’Dhamaanteen waxa
kaliya oo aan hadda dooneyno ayaa ah meydka lagu aaso xabaalaha Al-Baqi
magaalada Madiina halkaa oo ay ku nool yihiin qoyska oo idil, ayuu Salah u
sheegay TV CNN oo uu wareysi siinayay.
Labada wiil oo
siweyn uga xun sida loola dhaqmay Aabahood ayaa sheegay in uu ahaa geesi deeqsi
ah, iyaga oo intaa ku daray in dowladda Sacuudiga arintan ka dalbadeen,
islamarkaana jawaab ka sugayaan si loo xabaalo.
Jamaal Khashoggi
ayaa 02dii October lagu waayay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada
Istanbul, hasse ahaatee labo todobaad oo diidmo ah kaddib Boqortooyada ayaa
19kii October sheegtay in Khashoggi uu ku dhintay gacan ka hadal ka dhacay
gudaha dhismaha Qunsuliyada ee Istanbul, hasse ahaatee arintaa waxaa siweyn uga
qeyliyay kuna tilmaamay sheeko aan la aqbali karin madaxda caalamka intooda
badan.
Falka dilka ah ayaa
la sheegay in ay ku lug lahaayeen ilaa 18 ruux oo ay ka mid yihiin saraakiil
sar sare oo tirsan sirdoonka Sacuudiga iyo xubno ku dhaw dhaw dhaxal sugaha
Boqortooyada oo hadda inta badan eeda dalka dusha looga tuurayo.
Turkiga ayaa
aaminsan in meydka Jamal Khashoggi la jarjaray si aan loo arag, balse wali waxaa
soconaya baaritaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]