Sucuudi Carabiya oo maanta su’aalo laga waydiin doono herkeeda xuquuqda aadanaha
Isniin, November,
05, 2018 (HOL) – Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa lagu wadaa in maanta magaalada
Geneva ay guddi Qaramada Midoobay ah hortiisa ku difaaci doonto heerkeeda
xuquuqda aadanaha.
Kulanka dib u geesta oo ah mid joogta ah ayaa
waxaa qasab ah in dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay soo
gudbiyaan herkooda xuquuqda aadanaha kuwaas oo afartii sanaba mar la baaro.
Hasayeeshee dib u eegistan Sucuudiga ayaa waxa ay
imanaysaa xilli dalkiisa loo soo jeediyay dhaleecayn caalami oo ku aaddan
dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, iyo dagaalka ay ka waddo dalka Yemen.
Guddiga Qaramada Midoobay ayaa inta ay socoto dib
u eegista waxa uu sidoo kale eegi doonaa xaaladaha xuquuqda aadanaha ee dalalka
Shiinaha, Nigeria, Mexico iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.
Sucuudi Carabiya waxa ay filan kartaa in la
weydiyo su'aalo adag, xitaa ka hor dilka Jamaal Khaashuqji, ururrada u dooda
xuquuqda aadanaha ayaa ka dhigay in xukumadda Riyaad ay iska dhaga tiraysay
talooyinka Qaramada Midoobay ay soo jeedisay ee ahaa inay soo afjarto ciqaabta
iyo jirdilka maxaabiista loogu geysanayo xabsiyada, inay ogolaato mucaarad
siyaasadeed oo si nabad ah ku howlgala iyo in sare u qaado xuquuqda haweenka.
Hay'adaha gargaarka ayaa sheegaya in dagaalka
Yemen, halkass oo xulafada uu horkacayo Sucuudiga ay dagaal kula jiraan
fallaagada Xuutiyiinta uu horseeday in malaayiin qof ay qarka u fuulaan in
macluul ay wajahaan iyadoo Qarama Midoobya-na ay hayso caddaymo muujinaya in
dambiyo dagaal la geystay.
Kulankan dib u eegista ee maanta ayay suuragal
tahay in xitaa saaxibadii dhawaa iyo kuwii saadka milateri ka iibin jiray ay
Sucuudiga ka dalbadaan jawaabo cad cad.
Kulankan su'aalaha Sucuudiga lagu weydinayo ayaa
si toos internetka loogu baahin doonaa markaas oo qofkasta meeluu rabo dunida
haka joogee uu daawan karo.
Dabayaaqada todobaadkanna waxaa miiska la soo
saari doona arrimaha xuquuqul insaanka ee dalka Shiinaha xilli weliba uu sii
kordhaayo walaaca laga qabo caddeyma ah in Beijing ay sameysay xeryo lagu soo uruuriyay
oo lagu xiray hal milyan oo qof oo ah Muslimiinta Uighur.
Xigasho : BBC