4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 5 , 2018
Kulamo kala duwan oo ka bilaabanaya magaalada Gaalkacyo

 

Isniin, November, 05, 2018 (HOL) – Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa lagu wadaa in ay maanta gaarayaan wafuud kala duwan oo ka kala socda Aqalka sare iyo beesha caalamka, waxaana halkaa ka furmaya kulamo looga hadlayo khalalaasihii ugu danbeeyay ee Galmudug.

Amaanka magaalada ayaa siweyn loo adkeeyay waxaa halkaa ku sugan oo gaaray madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo madaxa xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakhir Cali Xassan oo la filayo in ay kulan wafdi uu horkacayo ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom.

Beesha Caalamka ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu doonaayo in lagu xaliyo Khilaafka ka dhaxeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda oo xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay.

Isla maalin kaddib 07bishan ayaa sidoo kale waxaa Gaalkacyo ka furmaya kulan ballaaran oo lagu xalinayo khilaafka Galmudug dhaxdeeda ah oo la filayo in leysugu keeno dhinacyada kala fadhiya Dhuusa-Mareeb iyo Cadaado oo kala sheeganaya labo madaxweyne.

Isha ayaa lagu wada hayaa waxa ka soo bixin doona kulamada xiriirka ah ee maalmaha soo socda ka furmaya Gaalkacyo in kulamadaa noqon doonaan kuwo soo afjara khilaafka maamulka hareeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]