4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 4 , 2018
Dagaal caawa ka dhacay deegaanka Tukaraq

Axad, November 04 , 2018 (HOL)-  Dagaal u dhaxeeya ciidanka Puntland iyo Soomaaliland ayaa caawa ka dhacay jiida horre ee deegaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool,halkaas oo tan iyo bishii Jannaayo ee sanadkan ay isku hor-fadhiyaan ciidanka Puntland iyo Soomaaliland.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, iyadoo aysan jirin ilaa hadda warbixin ka soo baxday maamullada, goobjoogayaal ayaa u sheegay HOL in dagaalka uu hadda istaagay wallow xaaladdu ay wali tahay mid adag,sida uu yiri goobjoogaha.

Ciidanka Puntland iyo Soomaaliland ayaa dhowr mar ku dagaallamey deegaanka oo horraantii sanadkan ay ciidammo ka tirsan Soomaaliland kala wareegeen kuwa Puntland.

Waxa uu ku soo aadday iska horimaadka caawa ka dhacay deegaanka, xilli uu booqasho ku tagey Axadda maanta wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya magaalada Hargeysa, waxa uu sidoo kale shalay booqday Garoowe, isagoo hoggaamiyayaasha labada dhinac kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa colaadda deegaanka Tukaraq.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]