4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 4 , 2018
Aqalka sare oo ka digay in la fara-galiyo doorashada ku soo fool leh dowlad gobolleedyada

 

Axad, November, 04, 2018 (HOL) – Kaddib kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen guddiga joogtada ah ee golaha Aqalka sare ayaa waxa ay ka digeen in aan wax faragelin ah lagu sameynin doorashooyinka dhawaan kuso wajahan maamul goboleedyadda dalka qaarkood.

Kulanka kaddib ayuu Xogyaha Aqalka Sare Cali Maxamed Jaamac warbaahinta faah faahin ka siiyay kulanka Golaha iyo qodobadii ugu muhiimsanaa ee looga wada hadlay, gaar ahaan waxaa uu sheegay in diirada lagu saaray doorashooyinka ku soo foolka leh dowlad gobolleedyada, gaar ahaan Koonfur Galbeed.

‘’Waxaan rabaa in aan halkan ka cadeyno leyskuna raacay kulankii golaha in madaxda dowlad gobolleedyada ee qeybta ka ah dowladda dhexe xaq u leeyihiin in ay madaxdooda u doortaan si xor ah oo xalaal ah, gaar ahaan waxaa uu gudigu walwal ka muujinayaan kana digayaa in fara-galin lagu sameeyo doorashada ugu soo horeysa ee Koonfur Galbeed.

Waxa uu ugu baaqay musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed in ay u hogaansamaan shuruucda u dagsan maamulka Koonfur Galbeed iyo tan guud ahaan ee dalka.

17’ka bishaan ayaa la filayaa in magaalada Baydhabo ee maamulka koonfur Galbeed ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo ay u taaganyihiin musharixiin dhowr ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]