4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 4 , 2018
Madaxweyne Biixi oo la kulmay ergayga gaarka ah ee xoghayaha UN-ta u qaabilsan Soomaaliya

 

Axad, November, 04, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay wefdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada midoobay u qaabilsan  Soomaaliya Mr. Nicholas Haysom.

Kulankan uu madaxweynuhu weftigan la qaatay waxa ku wehelinayey madaxweyne ku xigeenka Saylici, wasiirka Arrimaha dibada Somaliland, wasiirka arrimaha gudaha, wasiirkii hore ee maaliyadda, Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil), waxaana la sheegay in lagaga dooday xidhiidha Somaliland iyo qaramada midoobay sidii kor loogu qaadi lahaa.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa faah-faahiyey waxyaabaha sida gaarka ah ay uga wada-hadleen madaxweynaha iyo wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, waxaanu yidhi “Waxa laga wada hadlay dhawr arrimood oo muhiim ah oo ay kamid tahay arrinta nabadgelyadu, is-kaashiga qaramada midoobay iyo Somaliland, arrimo la xidhiidha wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo amuuro kale oo labada dhinacba danaynayeen.”

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom oo markii ugu horeysay Somaliland yimid tan iyo intii la magacaabay ayaa isna dhiniciisa ka hadlay, waxaanu sheegay inay ka wada hadleen wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya, dagaaladii ka dhacay Tukoraq ee Somaliland iyo Puntland u dhexeeyey iyo xidhiidhka labadooda dhinac.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.